Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Cabdi Iley oo dawlada Itoobiya ka codsaday, in mar hadiiba xilka madaxweynaha deegaanka laga xayuubiyey jago laga siiyo dawlada dhexe

Radio Jigjiga (Jigjiga) 11-19-2011, Madaxweynihii hore ee deegaanka Cabdi Iley, ayaa lagu soo waramayaa inuu warqad codsi ah u gudbiyey dawlada Itoobiya.
Warkan oo caawa naga soo gaadhay xaga magaalada Jigjiga, ayaa lagu sheegay, in madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Iley, uu labadii todobaad ee la soo dhaafay uu halgan ugu jiray, meel u helida, mustaqbalka madow ee isaga ku soo fool leh.
cabdi Iley
Ka dib, markii si buuxda loogu sheegay Cabdi Iley, in xilkii madaxweynaha deegaanka laga qaaday, ayuu isna olole u galay sidii dawlada dhexe ay shaqo uga siin lahayd, wasaaradaha, iyo hayadaha dawlada dhexe.
Balse sida warka nalagu soo gaadhsiiyey, dawlada baan wali wax go'aan ah ka gaadhin, waxa laga yeelayo, kadib marka si sharci ah loogu dhwaaqo, xilka qaadistiisa.
Arintan shaqo siinta Cabdi Iley ee dhinaca dawlada dhexe, baa laga yaabaa, iney isaga ku adkaato, maadaama uusan shahaado jaamacad, ama kuliyad ah (college degree) isagu haysanin, waayo inta badan shaqsiyaadka jagooyinka sare laga siiyo dawlada dhexe, waa kuwo haysta shahaado jaamacadeed.
Sidoo kale, ayaa labadii madaxweyne ee xilka madaxweynaha laga qaaday, isaga hortii, jagooyin sarsare laga siiyey dawlada dhexe.

Dhinaca kale, Cabdi Iley, ayaa lagu soo waramayaa iney qaraabadiisii, iyo kooxdii wax la dhici jirtay, sida ganacsatadii aad isaga ugu dhawaa, dadka deegaankuna u yaqaanaan bah bililiqo, uu kala yaac, iyo naftu orod bey kugu aamintaa kala noqdeen, sida warku hada sheegayana waxaa kala cararkaas ka mid ah, in ninkii Cabdi Iley ilaalada gaarka u ahaa lana odhan jiray Bashiir Waal, uu dalka Marakanka u goostay.
Dhacdooyinkan cusub ee ilaahow i bixida lagu sheegay, bey dad aad ugu dhuun daloola arimaha kabtan Iley ku tilmaameen iney tahay dhamaadkii, iyo gabagabadii maamulkii cimriga gaabnaa, ee dadweynaha deegankuna aadka u nacay.


Ugu dambeyn, Cabdi Iley, ayey u badan tahay, in maxkamad la soo saaro, hadiiba uu isku dayo, inuu dibada uga soo baxo dhufayska uu hada ku jiro, waayo sida la wada ogsoon yahay, waa nin aanooyin, iyo dambiyo waaweyn dadka deegaanka ka galay, gaar ahaan beelaha Ogaadeen, iyo beesha Abaskuul, eedahaas oo ay ugu horeyso dadkuu sida sharci darada ah ku xasuuqi jiray laga soo bilaabo, markuu  noqday gudoomiyaha hogaanka nabad galyada, ilaa, iyo maanta.
Xasuuqyadaas ayuu ninkani badankooda ka geystay gobolada Dhagaxbuur, Jigjiga Qoraxay, Fiiq, iyo Wardheer, xasuuqayada loogu xasuusta badan yahay, ayaa waxaa ka mid ah, xasuuqii ka dhacay degmada Dhagax Madow, ee 70 nin oo beesha reer Isaaq ah lagu jaray, iyo kii Mooyaha ee isla gobolka Dhagaxbuur, lagu laayey 50kii oday ee beesha Yaasuf (Abaskuul) ahaa .

 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.