Cabdi Iley, oo laga yaabo intuu sadexdii oday si gaadmo ah ku dilo, kadibna qoraaga rj, ku eedeeyo Radio Jigjiga (Jigjiga) War deg deg ah oo maanta naga soo gaadhay xaga magaalada Jigjiga ayaa sheegaya, in madaxweynaha deegaanka, Cabdi Iley intuu si gaadmo ah (assassination) ku dilo, sadexdii oday ee masaakiinta ahaa, kaamiradana la hor keenay, iyagoo madaxa qori looga hayo, dabadeedna ku eedeeyo, inuu dilkaaa ka dambeyey qoraaga radio jigjiga, taasina ay u soo dadajiso, shirqoolkuu baryahan la damacsanaa beelaha Jidwaaq, taaso ah in beeshu reer-reer isku disho, isna daadashada dhiigooda ku raaxeysto, siduu hadaba odayaashaas masaakiinta ah ugu raaxeystay, waxay ku hadlayeen, hadhowna ku bahdilo beesha iney horeyna si xun isku caayeen, hadana si xun isku dileen.
Warkan oo aan ka helnay ilo aad, iyo aad muhiim u aha, isla markaana laysku haleyn karo, ayaa intaa ku daraya, in Cabdi Iley, uu ciidamo cusub oo laga keenay, xaga Qoraxay, soo galiyey magaalada Araarso, iyo deegaanka ku hareeraysan, inkasta oo aan naloo sheegin tirada guud ee ciidankani inta ay dhan tahay, ayaa hadana warbixinta lagu sheegay, iney dadweynaha deegaanku shaki weyn ka qabaan, sababta uu ciidankan, u keenay deegaankan, maadaama aysan wax colaad ahi ka jirin, nabad diid kalena joogin.
Hadaba waxaan ugu baaqeynaa in dadka deegaanka reer Araarso, iyo guud ahaan dadweynaha gobolka Jigjiga aad uga digtoonaadaan, shirqoolada ninkan gabalkiisii dhacay, uu maleegayo, sidoo kale, hadaan nahay bahda Radio Jigjiga, waxaan cadaynaynaa in aanaan wax lug ah ku lahayn, wixii dhib ah ee Cabdi Iley u maleego, ama soo gaadhsiiyo odayaashaas, masaakiinta ah, lana soo qasbay, markalena waa naga cafis 100%. Maahan markii ugu horeysay ee Cabdi Iley, lagu eedeeyo inuu beelo isku diro, dhexdoodana fidno ka rido, si uu danahiisa gaarka ah u gaadho.
Cabdi Iley, sida runta ah waa masiibo ku habsatay, shacabweynaha Soomaalida Itoobiya, waa nin haduusan fidno, iyo dhiig Muslim oo la daadiyo ku jirin, aan sida caadiga ah ee madaxdu wax u maamusho, samayn karin, wali laama garanayo, waxa ugu wacan waxyaabahan xun xun ee ninkani caadaystay, balse waxaa laga shaki qabaa in Cabdi Iley, xanuun xaga maskaxda ah uu qabo (mental illness). Xanuunada maskaxda si fiican loogama baadho dadka ku nool qaarada Afrika, waxaana inta badan dhacda in shaqsiga qaba cudurkan uu dadka iskaga dhex jiro, loona haysto qof fayow, ilaa uu ku kaco wax dadka caadiga ah ka yaabiya, sida Cabdi Iley oo kale.
Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan