Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

MaxaabiisCabdi Iley, iyo boggiisa Cakaaranews oo markale lagu soo eedeeyey iney galeen dambi ka dhan ah xaquuqda Aadanaha

Radio Jigjiga (Jigjiga) Bogga ku caan baxay cayda, xumaanta, iyo af lagaadada ee uu sida xun u maamulo madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley, ayaa markale lagu soo eedeeyey iney meel ka dhac, iyo tacadi ka dhan ah xaquul iinsaanka kula kaceen maxaabiis dagaal, arintan ayaa si cad uga soo horjeeda sharciyada caalamiga ah ee ku saabsan sida loola dhaqmo dadka dagaalka lagu soo qabto (Geneva Convention).

Sida uu qorayo qodobka 27aad ee shirkii xuquuda aadanaha ee Geneva ka dhacay sanadkii 1949kii (Article 27, Fourth Geneva Convention (1949) ayaa qeexaya ilaalinta dadka lagu qabto goob dagaal, kuwaas oo sharcigu dhigayo inaan jirdil, fadeexayn, iyo warbaahinta si sharaf dhac ah loo hor keni karin, waxaa kaloo heshiiska sharcigaasi qorayaa in maxaabiis aan loola dhaqmi karin si ka baxsan bani-aadnimada, sidoo kale ayuu heshiiska sharcigani dhigayaa in maxaabiista dagaal lagu soo qabto ay xaq u leeyihiin iney helaan gargaar caafimaad (medical treatment) iyo in loo ogolaado iney soo booqan karaan ha'yahada caalamiga ah sida ururada bisha cas, iyo laanqayrta cas. Nasiib daro, wakiilka dawlada Itoobiya u jooga Jigjiga, ama ina Iley si cad buu ugu xad gudbay qodobadan.

Hadaba isla aragnay sida uu dhigayo heshiiskaas caalamiga ah, ee bal aynu isla aragno waxa uu Cabdi Iley, ku sameeyey maxaabiista ka tirsanaa ururka onlf ee dagaalka lagu soo qabtay.
Sida cad, maxaabiista lagu soo bandhigey bogga Cakaaranews, waa maxaabiis dagaal lagu soo qabtay, sidaa darteedna waxay xaq u leeyihiin, in la mariyo sida sharcigu Geneva convention qorayo, taasoo ah inaan lagu xad gudbin xaquuqda maxaabiistu leedahay, lana socda dalka Itoobiya sharcigan saxiix baa ka yaala, waayo Itoobiya, sanadkii 1949kii wadan xor ah bey ahayd, sidaa awgeed shaqsigii madax ah ee sharcigan jabiya waa in maxkamad caalami ah la soo taago, Cabdi Ileyna, waa kan ugu horeeya.
habaar qabe ina Iley
Sida ka muuqata video-ga la soo galiyey Cakaaranews, maxaabiista waxaa lagu keenay goobta wax looga duubayo si qasab ah (against their will), waxaa lagu qasbay iney yidhaahdaan, waxyaabo laga yaabo ineysan odhan lahayn intaan la soo qabanin ka hor.
Qodobka labaadna, waa in si sharci daro ah looga duubay film, iyagoon raali ka ahayn, (this is abuse of power).
Dhinac kasta oo loo qaado arintan maxaabiista ah ee boggaas la soo galiyey, waa tacadi, iyo xad gudub ka soo hor jeeda xaquuqda Aadanaha, sida video-ga ka muuqata dhaqan celin, iyo waxbarasho looma wado ee waa ku jees-jees, iyo sharaftooda bani-aadnimo oo meel looga dhacayo. Sida aanu warka ku haynana, waa jawaab uu Cabdi Iley, ka bixinayo warbixintii lagu soo qoray wargeeska standard ee dalka Kenya.

Runtiina maahan markii ugu horeysay ee Cakaaranews la soo galiyo waxyaabo saxaafada, iyo asluubta warbaahinta si cad uga soo hor jeeda, ee waxaa jirtay, in xataa horey loo soo galiyey maydad dad la xasuuqay, taasoo boggaas si bini-aadnimada ka baxsan loogu soo bandhigey.


Waxaa la xusuustaa mudo hada laga joogo shan bilood, in sidan oo kale la soo bandhigey, odayaal maxaysato ah (danyar) oo si iyana waxashnimo ah, dadkii daawadeyna aad uga xumaadeen loo soo galiyey bogga ma xishoodaha weyn ee ina Iley.
Odayaashaas oo Cabdi Iley, uu shaqsiyan soo abaabulay, misana ugu soo hanjabey in hadayna u caynin qoraha boggan, xadhig, iyo waxyeelo kale loo geysan doono. Kadibna sidaan warka ku hayno, ay odayaashii danyarta ahaa, sidaas kaamirada horteeda qasab lagu soo fadhiisiyey.

Tacadiyadan, iyo kuwo kale oo aan la soo koobi karin, ayuu Cabdi Iley ku hayaa, shacabkii Soomaalida ee deegaanka, bal dib u fiiriya sawirka, iyo cabsida ka muuqata wajiyada dhalinyaradan badankoodu u dhashay beesha Ogaadeen, bahdilid ka xun ma jirtaa?
Shaqsi dadkii intuu sidan u galo, oo misana garaado ku raadsanaya oo ina Iley ka xun ma haysaan?, Waxaa laga yaabaa inuu is leeyahay tusi dawlada Itoobiya, sidaad wax yeeli kartid, balse runtii, dawlad sheeganeysa inuu u shaqeeyo magac xumo aad u weyn buu u keenay, sida hada socotana isaga, iyo wixii la shaqeyn jireyba waa la haystaa, una badi, iney mardhaw geedka xad gudubka ee ay hada beerayaan, midhiisa guran doonaan.


Madaxweynaha deegaanka oo laga yaabo in lagu soo oogo dambi ka dhan ah xuquuqul iinsaanka


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.