Cabdi Iley, oo markale beentiisii ugu dambeysay fashilan ku yimid
Waxaa horey loo yidhi "hadaad been sheegi been run u eg baa la sheegaa" qoraalka lagu soo qoray bogga beenta, iyo cayda ku caan baxay ee CakaaraNews, kaasoo ah in ciidamada Liyuu Boliiska ay dileen 17 nin, ayaa lagu sheegay iney tahay been iska cad, iyadoo kaba sii darane, beentan lagu xidhiidhiyey, dhibaato Cabdi Iley, ku haysata Addis Ababa gudaheeda. Maalintii Axada (30kii October, 2011) ayaa cakaaranews, lagu soo qoray in hawlgal ay sameeyeen ciidamada Liyuu Bolisku, ku dileen 17 nin oo ka tirsan ururka onlf, kuna soo qabteen isla 6 ka mid ah. Arintan ayaa markiiba dadka akhriyey, ay na soo gaadhsiiyeen, iyagoo shaki weyn ka qabay, in meesha wax hawlgal ahiba ka dhacay, iyo inkale, dadweynahan ayaa rumaysan in arintani ku tacaluqdo, dhibaatada Cabdi Iley, ku haysata magaalada Addis Ababa, taasoo ah, in qiimeyntii ugu xumayd, iyo la xisaabtan weyni ku socdo, ayna adag tahay, inuu markaan si fudud uga samato baxo.
 Cabdi Iley, ayaa si weyn ugu caanbaxay in marwalba oo isagu qar dheer ka soo lalmado, uu waa yaabe miciin ka raadiyo iney onlf, qarka ka soo dajiyaan, qar ka soo dajintaas ayaa dhawr nooc loo kala arkay. Kan ugu weyn ee aadka loo xasuusto ayaa ahaa, ka dib markii Cabdi Iley, ay ku socotay dacwadii shacabkii ay maleeshayadiisu ku laayeen deegaanka Baabuli, taasoo uu Cabdi Iley sheegtay, inuu helay xog ku saabsan, iney onlf, niman wata walxaha qarxa, ay Jigjiga u soo direen, waxaase dhacday in si shaki weyn laga qabay magaalada dhexdeeda looga qabtay nin shuko huwan, isla markaana wata banbaanooyin, iyo waxyaabo qarxa, balse uu Cabdi Iley naftiisu ninkii kaxaystay, war dambena,arintan sidaa looga maqal!. Dhanka kale dacwadii ayaa sidaa meesha uga baxday, iyadoo Cabdi Ileyna, markale, loo arkay geesi, magaaladii badbaadiyey (saved the day, or did he?) balse sida runtu tahay, qorshahaasi wuxuu ahaa miduu naftigiisu soo abaabulay, arintan, iyo dhacdooyin kale aadna muhiim u ah halkan ka akhri.
ONLF-tu, ma adhi, Cabdi Iley meel ugu xaraysan, oo uu qaarna qasho, qaarna saylada xoolaha ee Jigjiga (Jeel Ogadeen) keenaa?
Aynu dib ugu noqono, sidii loo sheegay, iney arintani u dhacday, waxaa laynoo sheegay, in cidamadaas lagu sheegay budhcadu ay xoolo dhaceen, dabadeedna dadkii xoolaha laga dhacay liyuu Booliska u yeedheen, dabadeedna sidaas nimankii 17 laga dilay, lixna laga soo qabtay, hadaba waayaabe, ninmanku ma kuwo aan hubaysneyn bey ahaayeen, oo misana sacbooley ah, dadkay jidh dileense, miyeysan magacyo lahayn, maxaa sawirkooda sidii caadada ahayd Cakaara loo soo galin waayey (lana socda sawiro been abuur ah, in la samayn karaa).
Waxaa kaloo aad loola yaabay sida dhibka yar ee nimanka loo soo qabqabtay, ka sokow, sida iyana dhibka yar ee nimankii loo daaweeyey, ma dagaal la matalayo buu ahaa (fictional war) xageed ku aragteen laba ciidan oo dagaalamay, misana si dhib yar isku dhexgala, iskaba daa iney wada hadlaane, mise meesha dagaalba kama dhicin, ee waa been ka mid ahaa, beenihii looga bartay, Cabdi Iley, mise riwaayad raqiis ah bey ahayd, wixii jireyba waxaa markhaati ma doonto ah, in arintani ahayd, been, iyo ku baxsi, uu doonayo inuu iskaga fujiyo madaxda dawlada dhexe ka tirsan, ee isaga xisaabtanka runta ah kula jira.
Waxaan wada ognahay, inuu Cabdi Iley, maanta lugtii ugu dambeysay ku taagan yahay, sida muuqatana uu ciidamada nabadgalyada ee deegaanku dhaqaalaha badan ku bixiyey, sida, tababarkooda, qalabeyntooda, quudintooda, iyo mushahaar la siiyaba, uu u adeegsanayo danahiisa gaar ahaaneed, taasoo ay ugu weyn tahay siduu xukunka aan dadweynaha deegaanku u dooraan ku sii joogi lahaa, markaa waxaan ugu baaqeynaa, in shaqsigii awood u leh, ama jooga meeluu arintan ka baadhi karo, in si buuxa loo baadho, lana xaqiijiyo sidey wax u dhaceen, waa hadayba wax dhaceene. Riwaayadahan geerida wata, ee ina Iley (Iley's deadly concert) dadka deegaanka u dhigo, ayaa hada cid walba iska aragtaa iney been, iyo wax kama jiraan tahay, waxaana haboon, in si fiican loo baadho dadweynaha ku dhintay, ama wax ka soo gaadhay, riwaayadaha hawlgalada lagu sheego, ee Cabdi Iley doonayo inuu gabalkiisa dhacay, iftiin uga dhigto.
Sideed u aragtaa arintan? ma hawlgal dhabaa, mise waa beeni raad ma leh? halkan riix.
|