
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Madaxweynaha deegaanka Cabdi iley, oo lagu soo waramayo inuu isku casilayo mudo laba bilood ah
Radio jigjiga (Jigjiga) War deg deg ah, oo caawa na soo gaadhay, ayaa ku waramaya inuu madaxweynaha deegaanku ku talo jiro, inuu is casilo mudo laba bilood gudaheed ah. Radio jigjiga, oo looga bartay inuu soo tabiyo, warar aan wali la shaacin, horeyna warbaahinta deegaanka looga maqlin, ayaa markale nasiib u yeeshay, inuu caawa helay, war sugan, ilo lagu kalsoonaan karana aanu ka helnay, warkaas ayaa hadaba sheegaya inuu madaxweyne Cabdi Iley, ku talo jiro inuu khadka ka baxo, isla markaana si buuxda iskaga casilo jagada madaxweynaha ee deegaanka.
Sida inta badan la wada ogyahay, waxaa baryahanba deegaanka ka socotey, mucaaradnimo ay dhamaan beelaha deegaanka ee kala duwani kala horjeedeen, cabdi Iley, taasoo meeshii ugu saraysay gaadhay, labadii bilood ee ina dhaaftay. Hadaba waxaa warkan nalagu soo gaadhsiiyey, in madaxweyne Cabdi Iley, laga soo amray xaga dawlada dhexe, amarkaasoo lagu soo wargeliyey inuu sida ugu dhaqsaha badan xilka iskaga tiriyo, laakiin waxaa jirtay, inuu Cabdi Iley, u dacwooday saraakiil sare oo ciidamada dadlada dhexe ka tirsan, kuwaasoo ay isga xidhiidh fiican lahaayeen, arintana u suura galisay in wakhti laba bilood ah loo sii daayo inuu xilka sii hayo.
Sidoo kale, waxaa lagu soo waramayaa inuu Cabdi Iley, ku doodayo inuu xilka uga dego, inka la yidhaahdo Suldaan Wali, laakiin ay xubnaha kale ee kula jira gudiga fulintu aysan taas isaga la qabin.
La soco wararka dambe.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |