Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Boggii Cakaaranews oo gabi ahaanba la tirtiray, kadib markii qoraal lagu soo qoray ay dawlada Itoobiya u aragtay "qirasho xasuuq shacab"

Radio Jigjiga (Jigjiga) February-21-2012, War deg deg ah oo naga soo gaadhay magaalada Jigjiga ayaa ku waramaya in gabi ahaanba la mansaxay (deleted whole website) boggii waalida, iyo cayda ku caan baxay ee Cakaraanews, kadib markii ay dawlada Itoobiya u aragtay maqaal lagu soo qoray inuu ahaa qirasho xasuuq lagula kacay shacabka deegaanka, iyo dambi u samayn dawlada dhexe.
Sida hadaba warku nagu soo gaadhayo wasaarada warfaafinta ee dawlada Itoobiya ayaa si weyn uga xumaatay qoraal lagu soo qoray bogga Cakaaranews, kaasoo ku sabsanaa xasuuqii ka dhacay degmada Gunagado, bishan horaanteedii, sida la ogyahayna waxaa dhacday in qoraalka lagu soo qoray bogga Cakaaranews lagu sheegay in hawlgal ay ciidamada LB sameeyeen lagu soo dilay dad shacab ah.
breaking news
Hadaba warkii boggaas lagu soo qoray ayaa waxaa dhacday in dhinaca dawlada dhexe looga fasirtay, in uu ahaa shirqool, iyo dambi galin xukuumada Zenawi, iyo guud ahaan dawlada Itoobiya, kadibna waxaa dhacday in amar lagu soo siiyey madaxweynaha deegaanka inuu gabi ahaanba tirtiro qoraalada, iyo wixii ku jireyba bogga Cakaaranews, si aan loogu adeegsan cadaymo ka horjeeda isla dawlada Itoobiya, sidaa awgeedna uu amarkaas u fuliyey, taasoo gabi ahaanba lawada mansaxay boggii Cakaaranews.
Sidoo kale, ayaa warku sheegayaa in Cabdi Iley looga yeedhay xaga Addis Ababa si wax looga weydiiyo, xasuuqyada meelkasta lagaga hadlayo ee dacwadiisu ka bilaabatay dalka South Afrika, iyo waxa uu isagu ka ogyahay, warku waxaa kale oo uu intaas ku sii darayaa in gudiga fulinta ee xisbiga talada Itoobiya haya ee eprdf, ay kulan degdeg ah iskugu imanayaan maalinta Jimcaha ah ee fooda inagu soo haysa, si ay uga wada hadlan arintan.

Dhinaca kale xubno ka tirsan isla gudiga fulinta ee eprdf, ayaa soo jeediyey in madaxweynaha deeganka laga qaado xilka shirka jimcaha ka hor, si hadii dambi lagu helo, isla galabnimada Jimcaha xabsiga loogu dhaadhiciyo. Dhinac kasta oo laga eego ayaa la sheegayaa in madaxweynaha deegaanka cid kastaba ay garabkiisa ka baxday, lana moodo, inuu isagu noqday kii goobta looga kala baxsaday, sida muuqatana waxaa suuragal ah in isaga kaliya uu xisaab xidhku qabsado.
Inkasta oo laga yaabo iney Cakaaranews hawada dib ugu soo noqoto, hadana sida naloo xaqiijiyey si buuxda ayaa loo tirtirey, oo marnaba ma dhici doonto in wixii horey ugu jiri jirey ay ku soo noqdaan, balse waxaa jirta in boggan RJ, aanu gabi ahaanba ku hayno sidey u dhamayd boggii Cakaaranews.

-lasoco wararka dambe- 



 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.