Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Bililiqadii ugu weynayd abad, ee ku dhacda Jidwaaq Absame, oo bah bililiqo dabaal-dageeda ku qabanayaan magaalada Jigjiga
Breaking News
Radio Jigjiga (Jigjiga) Hoolka sida bahdilka ah loogu magac garay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, ayaa waxaa lagu qabanayaa xaflad, lagu tilmaamay bililiqo tii beesha Jidwaaq, iyo guud ahaan deegaanka reer Jigjiga soo  marta ugu darayd, hadaba waa arin naxdin, iyo xishood daro wadatee, waxaa magaalada jigjiga laysla dhex marayaa in Garaadnimadii beesha Absame ee boqolaalka sano soo jirtay, had, iyo jeerna looga dambeyn jiray beesha Jidwaaq, gaar ahaan beesha Bartire, la damacsan yahay in loo caleemo saaro nin oday ah, oo misana Cabdi Iley adeerkii ah, laguna magacaabo Ugaas Maxamuud Axmed Siciid, kuna magac dheer "Ugaas Ciro" (fiiri sawirka hoose).

Ugaas Ciro ayaa lagu tilmaamaa inuu si aan hidaha, iyo dhaqanka waafaqsanayn u sheegtay inuu yahay Ugaaska beesha Ogaadeen. Nin walba oo beesha Ogaadeen u nasab sheegtaa xaq buu u leeyahay inuu hogaamiye dhaqameed noqdo, balse Oday Ciro, waxaa isaga u dheer inaan cidina u dooran Ugaasnimada uu sheegto, amaba uusan dhaxal ku helin, balse sababta uu u sheegtay oo kaliya ay tahay, inuu wiil uu adeer hoose u yahay uu deegaanka madaxweyne ka yahay, taasina u saamaxday inuu si xaqiraad ah meesha uga saaro hogaamiye dhaqameedkii beesha Ogaadeen, taariikh ahaana Ugaasyada u ahaa, sida Ugaasyada reer Qabri Dahare, iyo kuwo kale oo deegaanka xushmad weyn ku lahaa. Ugaas Ciro, oo colonel nabad sugidii Maxamed Siyaad Bare, u fadhiyey Hargeysa ahaa, baa lagu tilmaamaa inuu yahay maskaxda ka dambeysa Cabdi Iley.
Ciro, iyo Garaadka
Sidoo kale, ayaa ninkan odayga ah (Ugaas Ciro) lagu sheegaa, inuu la haystee ka dhigtay Garaadkii beesha Absame, ama Jidwaaq Garaad Maxamuud Garaad Dool,.
Sida ay sheegaan reer Jigjiga, jilibka hoose ee Cabdi Iley, ayaa Garaad Maxamuud, ula dhaqmaan, ama kula kaca waxaan u qalmin hogaamiye dhaqameed ka mid ah kuwa beelaha Soomaaliyeed ugu magaca, iyo taariikhda dheer.

Hadaba sida aan warka ku hayno waxaa hoolka Sayidka lagu qabanayaa maanta oo maalin Jimce ah (Dec-16-2011), ama maalin aad u dhow, xaflad, iyo caleemo saar loogu tala galay, in beesha Cabdi Iley, ay kula wareegayaan wixii yaraa uguna dambeeyey ee gacanta beesha Jidwaaq ku hadhay, taasoo ah Garaadnimadii ay beesha Bartire ka dhaxleen, Garaadkii weynaa ee Garaad Wiil-Waal, iyo kuwii ka horeeyeyba.

Inkasta oo si weyn loo qariyey ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa xafladan caleemo saarka ah, ayey dad kale, sheegayaan, in xaflada loo dhigayo Garaad Maxamuud, loona caleemo saarayo Garaadka guud ee beesha Absame.
Ma xuma in Garaadka la caleemo saaro, laakiin Garaadnimada Absame, maahan wax maanta dhashay, ama kooxda ina Iley ay inoo keentay ee hore ayey beesa Jidwaaq u ahayd Garaadka Absame, waayo Jidwaaq waa curadka Absame. Waxaa horey loo yidhi "maxaa ciyaarta habeenkii loo tumaa, hadaan wax ku jirin" waa maxay sababta wakhtigan keentay arintan, mise sidii reer Jigjiga, loo xeeladeyn jiray, ayey tana xeelad kale tahay?. Arinta kale, ee ay wataan, ayaa waxay tahay, in Garaadka loo adeegsado, kala jabinta, iyo mija xaabinta guud ahaan beesha Jidwaaq, xaqiiq ahaana waa ujeeda ugu weyn ee ay Garaadka beeshiisa uga hor keenayaan, marka ugu dambeysana ayba iyagu meeshiisa u galaan.

Waxaa la xasuustaa sidii khiyaamada ahayd ee beesha Jidwaaq, gaar ahaan Bartire, iyo Yabaree looga wareejiyey maamulkii magaalada, iyo degmada Jigjiga, taasoo loo adeegsaday ninkii gabooyaha ahaa, balse markii beeshani ka kici weyday si dhib yaraan ah loogu badalay, duqa cusub ee magaalada Jigjiga, oo isna u dhashay beesha Cabdi Iley.
tooshka
Dhinac kastaba u qaade, caleemo saarkana, waa khiyaamadii, iyo la wareegii duqa magaalada oo kale, sida runta ahna ninka xaflada caleemo saarka loo wadaa waa Ugaas Ciro.
Arintan ayaa ceeb, iyo fadeexad keeni doonta, waayo bah bililiqo intay wax walba soo dhaafeen, ayey maantana keeneen iney hidihii, iyo dhaqankii soo jireenka ahaa badalaan, waa xishood daro aad u fool xun, waana wax laga dhiidhiyo.

Garaad Maxamuud, ayey kooxdani, dhawr jeer oo hore, waxyaabo sharfta, iyo dhaqanka ku xun kula kaceen.

Ku magacaabida hoolka shirarka "Sayid Maxamed", ayaa horey layskugu raacay, iney iyana ahayd bahdil, iyo waanu idin haysanaa, ee maxaad samayn kartaan, taasoo aysan waxba ka odhanin waxgaradka, iyo cuqaasha reer Jigjiga, bal halkan ka akhri qoraalkii aanu ka diyaarinay arintan.

Sida la sheego Cabdi Iley ayaa ku faana, "inuu Garaadkii beesha Jidwaaq shaaha qayilaada u soo kariyo isaga" (hadalkan, anagu ma aanaan odhanin, ee waa hadal laga soo xigtay ina Iley) ayey u egtahay, in maantana xaqiraadii dhaqan, tii ugu xumayd ee aan horey, Absame, iyo Soomaali kaleba dhexdeeda loogu arag kula kaceen magacii, iyo dhaqankii  boqolaalka sano soo jireenka ahaa.
Sida la ogyahay Garaad Maxamuud ayey koxdani u adeegsadeen in shacabkiisii Bartire, uu u soo xidhxidho, taasoo onlf-tii ay iyaguba ka soo baxeen, si been abuur ah loogu eedeeyo beesha Garaadka, si ay ugu suura gasho in dhaca, iyo boobka qorshaysan ee loogu tala galay in dhulkooda lagu dhaco loogu fuliyo.
Laba todobaad ka hor, ayaa lagu qasbay inuu Garaad Maxamuud, gacantiisa ku saxiixo, bixinta dugsigii Wiil-Waal, si loo siiyo laba haween ah, oo ka soo kala jeeda Marsin, iyo Dhagaxbuur, horeyna waa tii boobka loogu yimid, dugsiga kale ee Axmed Guray. Sida halkan ka cad, Garaadku waa nin la haysto, una sii dheer tahay caga juglayn, iyo cabsi galin joogto ah oo lagu hayo beeshiisa.
 
Ugu dambeyn, waxaa muuqata, in wixii lagu xaman jiray kooxda bah ma xishooto, ay maanta dibada soo dhigeen, waxa kaliya ee xigaana, waa iney garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha (Jigjiga Airport) u soo bixiyaan halgaama cusub oo ay iyagu jeebkooda ka samaysteen, dabadeedna taariikhdii, iyo wixii calaamado ah, laguna yaqiiney reer Jigjiga sidaas khadka looga saaro. Bal fiiri Kartuunkan.



 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.