Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Beesha Abaskuul, iyo maleeshiyada Cabdi Iley oo dagaal qadhaadh inuu dhexmaro qarka u saaran

Radio Jigjiga (Qabri Bayax) January-8-2012, War deg deg ah oo caawa naga soo gaadhay xaga magaalada Qabri Bayax, ayaa ku waramaya in xaalada deegaankaas uu marayo meel aad halis u ah, kadib markii ay maaleeshiyada ina Iley, ay shacabkii deegaanka Qabri Bayax arag ku togasho ku dilaan.
Sida warku nagu soo gaadhayo, waxaa jira deegaanada baadiyaha ah ee aadka uga durugsan magaalada Qabri Bayax, ayaa waxaa ka taagan waxyaabo naxdin leh, kuwaasoo ay kamid tahay, in shacabkii xoolo dhaqatada, ama beeraleyda  ahaa si bilaa macno ah ay ciidamada Liyuu booliisku, ama maleeshiyada Cabdi Iley, ugu toogtaan, iyadoon wax su'aal ahba cidi isweydiin.

Tusaale ahaan waxaa dhacday in nin meel cidla ah iska maraya togga Jarar dhexdiisa uu ka kor yimid koox maleeshiyada ina Iley ka tirsan, kadibna markii ay ninkii joojiyeen, balse iyagoon wax su'aal ah weydiin, uu nin maleeshiyada la socday, horeyna uga soo galay ururka onlf, uu si qaylo ah u yidhi "ninkani waaba ninkii biyaha noo keeni jirey markaan ubo ahaa" dabadeedna iyadoon cidiba is weydiin ninkii beesha Abaskuul ka tirsanaa meesha loogu toogtay si naxariis daro ah.
Qiyaas ma leh inta shacab ah ee ay maleeshiyadani iska xasuuqaan. Waxaa kaloo jirta in shacabkii reer Qabri Bayax, kala garan la'yihiin midka dawlada la jira, iyo kan onlf-ta ah, waayo sidey dadkani sheegaan, shalay ninkii isagoo onlf ah, layska caydhiyey, ayaa intuu u tago Cabdi Iley, isna qori, iyo direyska Liyuuga soo siiyo, markaasuu kii shalay nabad diidka ahaa, isagoo awoodii Liyuu Booliska wata reerihii Abaskuul dib ugu soo noqdaa, dabadeedna sidaas lagu xasuuqaa.

Waxaa kaloo jirta in hadiiba maleeshiyada Cabdi Iley, laga nabadgalo, ay iyana onlft-tu ku soo duusho reeraha gudaha fog ee baadiyaha ku nool, taasoo waxay dili karaan, markay dilaan, dabadeedna ay maleeshiyadii ina Iley, soo dabamari, dabadeedna intii shacabka ahaa ee xasuuqa ka nabada gashay, xadhig, iyo xasuuq kale kula kacaan.

Hadaba shacab weynihii beesha Jidwaaq, ayaa khaati ka jooga tacadiyada maleeshiyadan dulmi ku noolka ah, siiba beelaha reer Qabri Bayax, ayuu tacadiga ugu weyni ku dhacaa, halka beelaha Bartire, iyo Yabaree, dhulkooda bililiqadii ugu xumayd ku socoto.
Dad badan ayaa rumaysan in labada maleeshiyo ee ina Iley, iyo onlf, ay wada shaqeyn qorshaysani ka dhaxeyso, taasoo la moodo ineyba isku raaceen, in gabi ahaanba beesha Jidwaaq laga dhigo, wax la xasuuqo, la bara kiciyo, ama dhul la'aan la dhigo, arintani waa xaqiiq ee maahan waxla yareysan karo.

Dadweynaha reer Qabri Bayax, ayaa taariikh ahaan caan ku ah, in kuwa Soomaali far dheeratay ka noqda ay qabri gooda ka qotaan baadiyaha Qabri Bayax, waase nasiib daree, sida hada ay ku socoto, ceeb, iyo colaad xun baa meeshaas ka soo socota, hadii aysan dawlada dhexe soo faragashana, walee wakhtiyo badan, waxa dhaca waa laga sheekayn doonaa. Hadiise uu Cabdi Iley, rumaysan yahay inuu siduu doono ka yeeli karo shacabka reer Jigjiga, waxaan shaki ku jirin in wixii dhib ah ee arintan ka yimaada uu isaga, iyo kuwa la shaqeeya masuuliyadeeda dusha saaran doonaan.

Ugu dambeyn waxaa loogu baaqayaa waxgaradka, iyo cuqaasha reer Jigjiga, iney sida ugu dhaqsaha badan uga wada tashadaan, wixii laga yeeli lahaa, dhibaatooyinkan maalinba, maalinta ka dambeysa ka sii daraya ee ay wadaan, maleeshiyooyinkan is kaashaday, kuwaas oo si garadaro ah dadkii ugu soo duulay.





 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.