Beeni Raad Ma Leh; beentii Cakaara oo markale banaanka timid, fashilana ku dhacay
 Radio Jigjiga (Jigjiga) Bogga beenta, iyo iska hadalka ku caan baxay, dadkuna ugu yeedhaan Cakaaranews, ayaa markale lagu qabtay, beentoodii ay caanka ku ahaayeen, beeni raad ma leh, balse bah Cakaara been badan, waxaad moodaa iney runta dagaal kula jiraan. Hadaba sida bogaas beenta badan lagu soo qoray, waxaa hawada laga saaray, labada website ee Radio Jigjiga, iyo Kilil5, marka hore aanu akhristayaasha sharafta leh, ku wargelino, in qoraalkani ka mid yahay, qoraaladoodii beenta, iyo sharaf xumada looga bartay, markaa, hadalkayga oo kaliya ha qaadaninee bal aan sharaxaad idinka siiyo, sida website-yadu u shaqeeyaan.
Bilawgii fashilaada
Marka website la sharciyeeyo (domain registration) waxaa ku xiga in khadka inernet-ka la soo galiyo (hosting) kadibna website-kii waxaa la siiyaa nambaro taxane ah, sida 68.178.254.185, (internet protocol address) dabadeedna marka qof uu qoro www.radiojigjiga.com, oo kale, waxaa wax walba la wareega IP, address-ka, kadibna sidaas baa qofku website-ka uu doonayey ku galaa. Hadaba in website, khadka laga saaro maahan hawl sahlan, oo sida ciyaalka cakaara ay iska yidhaahdeen oo kale uma fududa, farsamo ahaana waa arin culus, kaba sii darane hal website inaad khadka ka saarto waxay ku kacdaa ugu yaraan, 1 ila 2 malyan oo doolar. Sidii guri albaabo badana. Radio Jigjiga waxaa laga soo galaa dhawr IP (RJ uses multiple IPs, also we own one of the servers).
Arinta kale ee beenta ah, website-yadu hawada kama soo galaan (raadiyaha ayaa laliska hawada laga dhageystaa) ee website-yadu waxay isticmaalaan xadhkaha Telefoonada (land line telephone), ama xadhkaha cable-ka (wired Fiber-optic lines), halkaa waxaan ka aragnay, inay adag tahay, joojinta hal website oo kaliya, tan kale ee adagi waxay tahay, dalka Itoobiya hal nooc oo Internet connection kaliya lagama isticmaalo, ee waxaa laga isticmaala dhawr nooc oo kala duwan, sida satellite, dial up, or direct connection, markaa xataa dawlada dhexe baan awood dhaqaale, ama farsamo ahaan ay aad ugu adag tahay khad ka saarida hal website, iskaba daa, ardayda layliga ah ee dhawaanta miyiga Marsin, iyo Dhagaxbuur laga keenaye. Ardayda Cakaara, lama tartami karaan, rug cadaayaasha Radio Jigjiga, ha u fadhiyin, ee ka soco!
Markii ugu danbeysay ee qoraagani Jigjiga joogey, dad badan baanu ka caawinay sida xidhiidhka Internet-ka loo sameeyo, (means how to make an internet connection). Maalin walba toban, ilaa shan, iyo toban e-mail baanu dhinaca Itoobiya ka helnaa, taasina waxay muujinaysaa in Boggan si fiican looga soo galo gudaha Itoobiya. Xataa xafiiska kabtan Iley, baa laga soo galaa, Internet Coffee-yadana waa laga soo galaa, inkasta oo basaasiinta Cabdi Iley, ay dadka daawadaan, horumarka uu ina Iley, sheegto inuu deegaanka gaadhsiiyey, waxaa la yaab leh, inuu isla isagu yahay, kan duulaanka ku ah, ee shacabka ka hor taagan, iney la socdaan waxa dunida ka jira, hadii xataa boggan, iyo kuwo kaleba laga soo caayo, ama laga soo canbaareeyo, ma in shacabka, ama dadka doonaya iney tacliin fiican yeeshaan laga jaraa? mise wixiisu horumarba maahine waa sideed kursiga lagu ibtileyey u joogtaa baa?, waxay tahayba Kabtanku waa fashilan yahay, caruurtiisa Cakaarana wey sii ceebeeyeen.
Si kastaba ha noqotee, Radio Jigjiga, si fiican oo aan kala go' lahayn baa dalka Itoobiya looga soo galaa, magaalooyinka sida ba'an looga soo galo, waxaa ka mid ah, Diri Dhaba, Harar, Jigjiga, Addis Ababa, iyo kuwo kale. Xaqiiqdii Cabdi Iley, iyo kooxdiisa aad baanu u mashquulinay, dibad, iyo gudahaba, waxana waa waxay shaqeysteen, maalinba, maalinta ka sii dambeysana wey sii quusayaan, anana calan baanu taaganay.
Ilaa, iyo intaanu bilawnay Radio jigjiga, todoba sano ka hor, waa wakhtigii aanu ugu farxada badnayn, ugu akhristayaasha badnayn, uguna caansanayn (that is all I care) intaasina waa intaanu uba baahnayn. kolkaa haduu kabtan Iley, isla caawa khadka ka baxana waa noo guul, waayo anagaa saarnay, haduu joogana waa noo guul, waayo, fashilaadiisii uun baa halkii ka sii socon, wax hal dhagax dhawr shinbirood kuwada dila ma aragteen?. Meel kale haba ka raadin, waakan hortaada yaala.
-stay tune-
|