Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Beelaha Mareexaan, iyo Dagoodi oo ku dagaalamay gobolka liibaan, iyo madaxweynaha deegaanka oo colaado beeleed deeganka ka dhex wada

Radio Jigjiga (Jigjiga) February-02-2012, Dagaal beeleed ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socdo gobolka Liibaan ee ismaamulka deegaanka Soomaalida.
dagaalkan ayaa ka bilawday kadib markii lasheegay iney beesha reer Xasan soo degtay tuulada lagu magacaabo Dhaka oo ka mid aha tuulooyinka ku yaala gobolka Liibaan.Liibaan

Wali waxba lagama oga in dawlada deegaanku ay kala dhex gali doonto labadan beelod, iyo inkale, inkasta oo beesha dagoodi ay si gaar aha ugu eedeeyeen beesha kale iney si dhul balaadhsi ku soo dageen deegaanka, taasoo ay rumaysan yihiin iney dawlada deegaankuna lug weyn ku leedahay.
Cabdi Iley
Madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley, ayaa caan ku ah, si weyna loogu xasuustaa faragalinta qaawan ee uu ku sameeyo markay laba qabiil, ama beelood ku dagaalamaan deegaanka, taasoo uu hadba sidey beelahaa dagaalamaya ay qabiil ahaan isaga ugu dhow yihiin u taageero, isla markaana go'aankiisa siyaasadeed ku fadhiisiyo qaab qabiileysi ah, halkuu isku arki lahaa inuu yahay masuulka ugu sareeya, madaxda deegaanka, ayna waajib ku tahay isaga inuu si cadaalad, iyo sinaan ah beelaha u kala dhexgalo, ama ugu yaraan faragalinta ka daayo.

Tusaale ahaan kadib markii labada beelood ee walaalaha ah ee Xasan Cismaan (Abaskuul) iyo beesha reer Xirsi (Maalinguur) ay ku dagaalameen dooxada Faafan, uu madaxweynuhu ku kacay arin aad loola yaabey, runtiina sharaf dhac xun u keentay xafiiska uu fadhiyo halkaas oo uu hub, iyo saanad ciidan u raray beesha Maalinguur, halka uu beesha Abaskuulna u diray dad soo basaasa, soona sheega iney taageero heleen, iyo inkale, sidoo kalena wuxuuba xilkii ka qaaday taliyihii maleeshiyadii Qabri Bayax, isagoo uga shakiyey inuu taageersan yahay beesha Abaskuul, ninkan oo lagu magacaabo Colow Mahad, isla markaana ah da'dii ka yarayd hooyada dhashay Cabdi Iley, ayaa uu madaxweynuhu ku ciqaabey inuu Colow shaqdii dawlada dibada ka dhigo, kadib markuu su'aal ka keenay waxa labada beelood ee dagaalamay beelna uu Cabdi Iley u taageeri, beesha kalena uu takoor waxashnimo ah kula kacay, haba sheegin iney labadan beelood yihiin, beelaha kala dhalay labada waalid ee Cabdi Iley. Arintan oo ilaa maanta ciqaabteedii ay haysato Colow Mahad.
Balse dad badan ayaa u arkay iney taasina ka mid ahayd, qabiileysiga, iyo eexashada waalida u dhow ee lagu yaqaano madaxweynaha sidaa awgeedna la yaabeyn!.

Dad kalena waxay sheegaan, maadaama ay Cabdi aabihii (Maxamuud Iley), xaga hooyada walaalo ka ahaayeen niman ka tirsan beesha Maalinguur, uu sidaas u taageeray, balse hooyadii, iyo reerkeeda uu necbaansho xun u qabo, sida website-yada ururka onlf leeyihiin lagu soo qorana Cabdi Iley caasinimo tii ugu xumayd ayuuba hooyadii isaga dhashay kula kici jirey markay deganaayeen magaalada Dhagaxbuur, iyada waxaaan afka lasoo marin karina iskaba daa, sheegideeda, qoraagan ayaa maruu booqday, qaraabo salaana ugu tagey Maamada dhashay inkaar qabe ina Iley magaalada Jigjiga, ka argagaxay cabsida ay qofkaasi ka qabto, ninkan ay sagaalka bilood caloosha ku waday, iyo abuse-ka uu ku hayo, waxaan isku dayey inaan la hadlo nin dhalinyaro ah oo walaal la ah isaga laguna magacaabo Khadar Iley, si'aan uga waaniyo xaqa waalidka, balse fursad umaan helin, Ilaahay baa igu og arintan been kama sheegayo, Cabdi Iley waa caasi waalideyn, garaada goostay, waxaanan jeclaa inaan waxka qoro, meesha caasinamadiisaasi ku dambeyn, si kuwa kale ay cashar ugu noqoto.

Markii dambena waa tuu Faafantii ay beesha Absame wada dagi jireen boqolaalka sanadood, uu dhinacii adeeradii u gooyey kana dhigey degmo cusub, kuna magacaabey "Gol jano" (Galaalshe). Dhinac kasta oo laga eego akhristow ninkan deegaanka xukuma miyuusan ahayn mid aaan u qalmin, xafiiska uu joogo?, xafiiskan oo looga baahnaa inuu ku fadhiyo shaqsi ugu yaraan, la odhan karo wuu u qalmaa, oo cadaaladii, iyo u sinaanta beelahana wata.

Arinta kale, ee iyana hada taagan ayaa waxay tahay inuu Cabdi Iley damacsan yahay inuu colaad sokeeye dhex dhigo beelaha wada daga agagaarka magaalada xadka ku taala ee Tog Wajaale, beelaah oo kala ah Jibriil Abokor (Isaaq), Yabaree (Jidwaaq) iyo beesha Gadabuursi.
Ugu dambeyn Cabdi Iley waa masiibo, iyo cudur aad u xun oo la kor keenay deegaanka Soomaalida, waxaana haboon in laysla wada arko, meelna looga soo wada soo jeedsado, iyadoo maskaxda lagu hayo iney beelaha Soomaalida deegaanku ninkan cudurka qabiilku madaxa maray, ay hortiis jiren, nabadna ahaan jireen, sidoo kalena markuu dhaafo ay xasilooni, iyo walaaltinimo kuwada noolaan doonaan.

"Akhri Radio Jigjiga, caqligaagana kordhi, maskaxdana ka xorow"


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.