Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

 

Beelaha ku abtirsada beesha Jidwaaq Absame, oo sheegay iney  u soo sharaxayaan masuul cusub jagada madaxweyne-nimada ee deegaanka



Radio Jigjiga (Jigjiga) Warqad ay Radio Jigjiga, soo gaadhsiiyeen wax garad ka tirsan beelaha Abaskuul, Bartire, iyo Yabaree, ayey ku sheegeen iney jagada madaxweynaha deegaanka u soo sharaxayaan nin ka tirsan beeshooda Jidwaaq Absame.
Beesha Jidwaaq
Qoraalkan ay beeshani na soo gaadhsiiyeen, ayey ku sheegeen sida is badal dhaqso ah oo dhinaca hogaanka sare ee dawlada deegaanka ah wakhtigan xaadirka loogu baahan yahay, ay beesha Jidwaaq dhexdeed iska soo sarayaan xubin ay aaminsan yihiin, inuu wax ka qaban doono, dhibaatada nabad galyo darro ee deegaanka soo wajahday, xasilooni la'aanta siyaasadeed, iyo kala qaybsanaanta beelaha ee meesha halista ah gaadhay haaatana deegaanku ku sugan yahay.

Waxay kaloo ay soo gaadhsiiyeen, iney beeshooda ka xusheen sodon qof oo meelo kala duwan kala jooga, lagana soo xulay dhamaan xubnaha kala duwan ee beeshu ka kooban tahay sida; culimaa-udiinka, aqoon yahanada, wax garadka, iyo hogaamiye dhaqameedka, kuwaasoo wada tashi weyn ka sameyn doona sidii arintani u suura gali lahayd, maadaama bey leeyihiin beesha Jidwaaq tahay tan martida loogu yahay magaalada Jigjiga, ayna waajib tahay iney iyagu markale horseede u noqdaan Soomaalida kale.
Wali makala cada wakhtiga ay saxaafada u soo bandhigayaan qorshahooda, iyo qofka ay u xusheen inuu hogaamiyo dawlada deegaanka.

Inta badan qofka hogaaminaya dawlada deegaanka maahan nin si dimuqraadiya lagu soo doorto, balse waxaa inta badan dhacda in xubnaha ugu firfircoon ee talada deegaanka hayaa loona yaqaan gudiga fulinta, ay iska soo saaraan ninka ay aaminsan yihiin inuu talada deegaanka qaban karo, waxaa kaloo jirta in iyana tixgalin weyn la siiyo, siduu ninkan la dooranayo, dagaal af, iyo adin ah ugula jirey ururada dagaalka kula jira dawlada, waana sababtan baa la leeyahay waxa talada deegaanka inta badan ay u qabtaan xubnaha ka soo jeeda beesha Ogaadeen, kuwaasoo inta badan sheega iney iyaga oo kaliya soo af jari karaan dagaalkaa ay beeshoodu u badan tahay, waaana toobiyahii ay kursiga u mareen sadexdii madaxweyne ee ugu dambeeyey, haba ku guul dareystaane.

Laakiin waxay iyana dad badani aaminsan yihiin in dagaalka ururkaa ONLF kula jirto dawlada dhexe, iyo tan deegaankuba uu baryahan dambe noqday dagaal ganacsi, kaasoo dhinac walba danihiisa gaarka ku fushado, waana shacabka deegaanka kuwa kaliya ee dhibka ugu weyni ku dhaco.
Waxaa kaloo lala yaabay, tusaale ahaan, in ninka nabad ku soo dabaalka deegaanku, iyo horumarku dacaada ka tahay, salaanka, ama jaranjarta dawlada deegaaanka waa laga tuuraa!, labada dhina ee dagaalamayaana waa la coloobaan, tusaale waxaa loo soo qaadan karaa Dr. Axmed Sheekh, iyo Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Bade, oo labadooduba sumcad culus ku leh bulshada deegaanka dhexdooda.


la sooco waranka dambe.

  

Hashii garawo
R
adio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga, iyo calanka dawlada deegaanka


Radio Jigjiga (Jigjiga)  8-8-2011, Radio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga ee deegaan. Warkii oo Dhan
Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha
Sadexdan madaxweyne
A
wood qaybsiga madaxweyne Cabdi Iley, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno oo la shaaciyey


Radio Jigjiga (Jigjiga) Awood qaybsiga, iyo wada maamulka hayadaha dawlada ee madaxweynaha, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno, ayaa markii ugu horeysay la shaciyey. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.