Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Beelaha Absame ee Jidwaaq, iyo Cawlyahan, oo la sheegayo iney wadaan wadatashiyo ku aadan sidii mucaaradnimo mideysan looga hortagi madaxweynaha deegaanka

Radio Jigjiga (Minneapolis) Sida lagu sheegay fariin soo gaadhay warsidahan, beelaha Cawlyahan, iyo jidwaaq ayaa baryahan waday wadatashiyo ku saabsan sidey beelahani iskaga kaashan lahaayeen xukunka madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya.
deeganka
Fariintan ayaa naloogu sheegay, iney beelahani baryahan wadeen wada hadal, iyo xidhiidho hoose, taaso ay sheegeen iney ku rajo weyn yihiin, sidey iskaashi buuxa uga sameyn lahaayeen waxka qabashada nabadgalyo darada ku soo badanaysa deegaanaka Soomaalida, waxay kaloo ku sheegeen, iney beelahani damacsan yihiin, sidey iyana xoog siyaasadeed oo mideysan ugala hor tagi lahaayeen, waxay ugu yeedheen cadaalad xumada madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Beelahan ayaa shirar xaga telefoonada ah ka waday wadamada qurbaha ee ay ku nool yihiin, sida fariinta lagu sheegayna, waxay ku tala jiraan, iney mardhaw yeelan doonaaan shir ay uga wada hadli doonaan, waxyaabaha ay u baahan yihiin, iney wada jir u qabsadaan.

Beelaha Cawlyahan, iyo Bartire ayaa ka mid ah beelaha Absame ee ugu xooga weyn deegaanada Jubooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.
Dhinaca kale, maahan markii ugu horeysay ee beelahani iska kaashadaan, madax ka mid ah beesha Absame, sida lawada ogyahay sanadkii 1991kii ayey labadan beelood si wadajir ula coloobeen gudoomiyihii hore ee jabhada SPM, Col. Axmed Cumar Jees, taasoo ay colaadii dhexmartay Gen. Morgan, iyo Col. Jees, beelahani la safteen dhinaca Gen. Morgan, sidaasna Axmed Cumar Jees, si xulufo ah looga saarey magaalada Kismaayo, balse waxaa dhacday in iyana beelahani aysan waxba kaga dambeyn Cumar Jees, magaalada Kismaayo ee iyagana laga daba saaray.

Ugu dambeyn madaxweynaha deegaanka ayaa la sheegaa, inuu dhawr jeer ku gacmo saydhay inuusan haba yaraatee wax shir ah  kula qaadan magaalada Jigjiga odayaal ka socda beelahan, sababtana wali ma lama sheegin.




La soco wararka dambe








 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.