
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Beelo ka mid ah, beelaha deegaanka oo isku diyaarinaya iney markooda qabtaan jagada madaxweynaha
Sida uu sheegayo warar la isla dhex marayo magaalada Jigjiga, beelo dhawr ah o ka tirsan beelaha deegaanka, ayaa ku talo jira, iney ka faaiideystaan xukun ka dagida Cabdi Iley, ee la filayo in si buuxda loogu dhawaaqo dhawaan. Beelahan ayaa olole ugu jira sidii shaqsi, iyaga ka mid ah uu u qaban lahaa hogaanka sare ee deegaanka, amaba jagada madaxweynaha.
 Hadaba beelahan ayaa waxaa ugu horeeya afarta beelood ee hoos ku qoran, waxaanan u soo kala hormarinaynaa hadba, sida ay ugu kala cadcad yihiin, ololahaas. Intaanan, idiin soo gudbin, beelahan, iyo magacyadooda, la socda inaanu aqoonyahano siyaasada deegaanka aad ula socda, latashi kalala samaynay soo qorida maqaalkan, markaan aanu idiin soo gudbino, khabiir-nimadoodii, iyo talooyinkooda guud ee ay arintan naga siiyeen.
Beesha reer Ugaas Warfaa (Ogaadeen) Beeshan ayaa aaminsan, iney laf dhabar u ahaayeen, ololihii nabada, ee ugu dambaynta keenay iney heshiis kala saxeexdaan, garabkii onlf, iyo dawlada Itoobiya sanadkii hore. Sidoo kale, ayey beesha reer Warfaa, rumaysan yihiin in dawlada dhexe, iyo tan deegaankuba aysan marin jidkii, iyo wixii ay mudnaayeen, maadaama, ay yihiin kuwa ay ka soo jeedaan qurba joogta deeganka kuwooda ugu tirada badan. Dhinaca dibadahana ay yihiin, jaaliyada ugu weyn ee taabacsan dawlada Itoobiya, si buuxdana nabada u taageera. Waxayna beeshani ku adkaysanayaan in iyaga xaq loo siiyo iney qabtaan jagada madaxweynaha ee deegaanka, waxaa kale ee beeshani inta badan ka eed sheegtaan, in Cabdi Iley, uu ku takrifalay, hawlo badan oo beeshani ka midho dhaliyeen, isagoo si cadaalad daro ah u sheegta natiijada, waxyaabo badan oo ay iyagu lahaaayeen, ama horey u qabteen.
Beesha Abaskuul (Jidwaaq)
Beeshan ayaa, iyadu si gooni ah ugu doodaya, iney yihiin, beesha ugu horeysa ee nabad galyada deegaanka gacanta weyn ka geysatay labaatankii sano ee la soo dhaafay, balse ay labadii nin ee xilalka madaxweynaha deegaanka iskaga kala dambeyey ee Cabdi Iley, iyo Daauude, ay qaab qabiilaysi ah ula dhaqmayeen, taasoo nabad galyada gobolka Jigjiga, halkii beeshan, iyo beelaha kale ee Jidwaaq laga abaal marin lahaa, laga dhigay sidii beel aan nabada waxba ka keenin. waxayna beelaha Jidwaaq rumaysan yihiin, in la soo gaadhay wakhtigii ay madaxweynaha, iyo hogaanka sare ee deegaankaba qaban lahaayeen, midkuu doonaba ha noqdo sadexda jilib ee beesha Jidwaaq, waxayna si gaar ah inta badan u xusaan, in dhamaan beelaha Ogaadeen, markaan uga hadhaan jagadan. Waana bey leeyihiin, in aan marnaba la dhaafin iyaga, sidoo kale ayey ka cawdaan in qaab dhismeedka dawlada deegaanku u dhisan yahay hada, uu Cabdi Iley, si cadaalad daro ah u dhisay, maadaama ay beesha Jidwaaq xaq u lahayd, in jagada madaxweyne ku xigeenada, mid ka mid ah la siiyo.
Taariikh ahaan beeshani, waa reerka uu ka dhashay madaxweynihii ugu horeyey ee Soomaalida Itoobiya yeelayo, afartan sano ku dhawaad ka hor, siyaasigani wuxuu ahaa alla ha u naxariistee Cabdulaahi Suldaan Bade. Cabdulaahi Suldaan Bade, waa siyaasiga ugu magaca dheer, looguna jecel yahay, inta siyaasi ee soo martay Itoobiya, gaar ahaan gobolka Soomaalida, iyo shacabka deegaanka guud ahaanba.
Beesha Ciise
Beesha Ciise, ayaa iyagu ah, beesha cabashada ay ka cawdaan cadaalad darada Cabdi Iley, aan marnaba qarsanin, sidey horey odayaashoodu idaacadaha caalamiga uga sheegeena dawlada deegaanka ee hada dhisani, marnaba xaqoodii kama ay helin. Beeshan ayaa ku doodaysa, iney taariikh ahaan yihiin, beelihii deegaanka Soomaalida xukunkiisa qaybta libaax ka heli jiray, balse aysan ku qanacsanayn, sida baryahan dambe loo siiyo qaybtooda. Markaa waxay sheeganayaan, in markaan aan jagada madaxweynaha deegaanka, aan sinaba iyaga loo dhaafin, iyagoo waliba ku doodaya, in hadii beesha Ciise la qanciyo, ay iyaguna qancin doonaan beelaha aan Absamaha ahayn, siiba beelaha Irir, sida Dir, Hawiye, Gadabuursi, Sheekhaash, iyo Isaaq.
Beesha Cawlyahan (Ogaadeen)
Beesha Cawlyahan, ayaa si gooni ah cadaalad daro ugala kulantay xukunka Cabdi Iley, cadaalad daradaas lagula kacay ayaa waxaa ka mid ah, in la dhinac mariyey jagada madaxweyne ku xigeenka deegaanka, maadaama ay beeshani tahay beelaha ugu waaweyn deegaanka, macnaha haday Ogaadeen ahaan noqoto, iyo hadii kaleba. Markaa beeshan ayaa ku dacwoota, in ka fogaanshaha ay dhul ahaa ka fog yihiin, caasimada Jigjiga, marmar siinyo looga dhigto in jagooyinka waaweyn ee dawlada deegaanka lagu yareeyo, amaba laga qadiyo. Ugu dambeyn, ayey beesha Cawlyahan, sheeganayaan iney iyagu xaq u leeyihiin, in jagada madaxweynaha deegaanka, loo dhaafo, iyaga.
Si kastaba ha noqotee, waxaa la filayaa, in marka si official ah loogu dhawaaqo, dhabar ka taabashada Cabdi Iley, ay cadaalad, iyo sinaan dhinaca wada qaybsiga dawlada ahi deegaanka u iman doonto.
Akhri jawaabihii dadweynaha ee ku saabsanaa tartanka beelaha ee jagada madaxweynaha deegaank
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |