Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Warbaahinta Carabta oo si weyn wax uga qoraya, dagaal ka dhaca bariga dhexe

Warbaahinta dalalka Carabta ayaa labadii usbuuc ee la soo dhaafay, si weyn wax uga qorayey, suuragalnimada laga yaabo in dagaal lagu gubto uu bariga dhexe ka dhaco.Bariga dhexe
tafaaftiraha wargeeska Afka Carabiga ku soo baxa ee lagu magacaabo Al-Quds Al-Carabi kana soo baxa magaalada London, ayaa si gooni u sheegay in laga yaabo todobaadyada soo socda inuu Turkigu weeraro dalka Suuriya, iyagoo ku doodaya iney shacabka Suuriya ka badbaadinayaan, xukunka Bashir Al Assad, madaxweynahan Suuriya ayaa isagu qaaday jidkii halaaga ku dhamaaday ee hogaamiyihii hore ee Libya Mucamar Qadaafi.

Hadaba siduu qoray qoraaga wargeeska Al Qudus, waa ninka la yidhaahdo "Cabdul Bari Atwaan" waxaa kaloo laga yaabaa iney Israaiil. iyana weerarto Iraan.
Israaiil, iyo Iraan ayaa sidoo kale maalmihii la soo dhaafay, hanjabadyo is dhaafsanayey, ku wajahan hubka Qumbo Duriyada looga shakiga qabo, iney Iraan ku talo jirto, sidey u samaysan lahayd.

Si kastaba ha noqotee, waxaa wakhtigan iska cad, in bariga dhexe laga dareemayo saan-saan colaadeed oo ku soo fool leh.
Firqada yar ee qaab diimeedka, iyo qabiil ahaan oo kale u dhisan ee xukunta dalka Suuriya, ayaa xidhiidh siyaasadeed, iyo mid diinba la wadaaga dalka Iraan, sida inta badan la sheegana hadii labadan dal la weeraro midkood, waxay la mid tahay, iyadoo kan kale la weeraray, waana arinta walaaca ku haysa, dad badan oo u dhuun daloola arimaha bariga dhexe.

Madaxweyne Bashir Al Assad, ayaa xukunka Suuriya yimid, sanadkii 2000, isagoo xukunkana ka dhaxlay ka dib markuu aabahii Xaafid Al Assad geeriyooday, sida la wada ogyahayna, waxaa dalkaas oo dhan gacanta ku haya koox yar oo lagu magaacaabo Calaawiin, oo dhinaca diintana mad habta Shiicada aad ugu dhaw.
Madaxweyne Bashir Al Assad, iyo aabahii ayaa dalkaas xukumayey afartankii sano ee la soo dhaafay, waana cudurka lagu yaqaano kaligood taliyaasha, in markay shacabku ka cawdaan, ama ka kacaan xukun xumadooda iney, iyana ku dhaartaan inaan dalba ka dambeyn doonin, taasoo ugu dambeyn keenta in dalkaasi afka ciida la galo, maganna u noqdo in dibada looga soo duulo, ka dibna sidaa lagu qabsado.






 
 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.