Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

  

Madaxweynaha deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, oo nin ganacsade ah, kana soo jeeda gobolka Shiniile ku amray inuu bixiyo lacag ganaax ah


Radio Jigjiga (Jigjiga) Sida aanu ka soo xiganey warsidaha Shinilezone, madaxweynaha deegaanka ayaa, nin ganacsade ah, kana soo jeeda gobolka Shiniile ku amray inuu bixiyo lacag ganaax ah, balse dad ka agdhaw ninkan ganacsadaha ah, ayaa ku sheegay, ineysan lacagtaasi ganaax ahayn, balse ay ahayd lacag baad ah, si kastaba ha ahaatee, arintan baa ku timid ka dib markii ninkan ganacsadaha ah, oo lagu magacaabo Maxamed Sh.Xabiib, uu dhul si sharci ah uga iibsadey magaalada Jigjiga, gaar ahaan beesha ka soo jeeda magaalada ee Bartire, laakiin ay kula qabsatay dhulkii, gabadh la sheegay iney madaxweynaha deegaanka, jifo hoose wada yihiin, gabadhan ayaa isla markaana ka tirsaneyd dadka dibadaha ka tagay ee Qurba Joogta loo yaqaan, inta badana magaalada Jigjiga ay dawlada deegaanku sida qayrul caadiga ah ugu soo dhaweyso, waa haday Qurba Joogtaasi madaxweynenaha la beel yihiine.
Cabdulaahi itoobiya
Ka dibna sida warku sheegayo, ayaa lagu soo daray, koox Liyu Boolis ah, dabadeedna sidii baa ninkii looga joojiyey dhismihii uu ka waday magaalada, warkan oo faahfaahsani hoos baad ka akhrin doontaa, balse sida warkan ku cad, waxaa iska muuqata, in Cabdi Iley, uu ku talo jiro, haba yaraatee loo ogolaan ganacsatada aan beesha madaxweynaha ahayn, iney qandaraasyo, ama wax maalgashi ah ku sameeyaan caasimada deegaanka ee Jigjiga.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa gabi ahaanba ciidamada Booliiska, maxkamadaha, iyo dhamaan hayadaha nabad-galyada ee deegaanka u isticmaala sidii, koox ilaalo ah, ama shaqaale uu isagu leeyahay oo kale, waayo ku xigeenka hogaanka nabad-galyada, iyo madaxda kale, oo habayaraatee, aan wax hadal ah ka keenin, sharci, iyo sharci la'aanba waxa madaxweynaha, iyo beeshiisu hadba ka damcaan, iney dadweynaha Jigjiga, iyo deegaanada kaleba kula kacaan, sida inta badan dhacdana qofkii la rabo in waxyeelo, ama dhibaato loo geysto, ayaa lagu amraa ku xigeenka hogaanka, waa ninka lagu magacaabo; Cabdulaahi Itoobiya inuu soo xidho, walibana ka sii darane qofka la rabana sharciga, iyo maxkamadaha waa la dhinac mariyaa!.
Amar ku taaglayn taasina ugu dambayn waxay keentay; in dawladii deegaanku noqoto meel hal nin ka taliyo, hadba siduu doonana ka yeelo.

Waa yaab iyo layaab, Faragalin Safasho Cad ah oo uu sameeyay madaxweynaha D.D.S

madaxweynaha D.D.S, oo ku qasabtay Ganacsade Maxamed Sh. Xabiib Fariid inuu Bixiyo lacag Baad ah oo dhan 60,000 Birr oo uu siiyay Gabadh ku Abtirsata beesha M/Weynuhu ka soo jeedo.

Ciidamada sida Gaarka loo tababaray ee loo yaqaan liyu boolis oo sida tooska ah uga amar qaata madax weynaha D.D.S, ayaa joojiyay dhismo ka socday dhul banaan oo si sharci ah uu uga dhisanayay magaalada Jigjiga Maalqabeenka Maxamed Sh.Xabiib Fariid, iyaga oo hub, Awood iyo xoog Isticmaalaya, ka dib markii M/weynuhu ku amray in ay joojiyaan dhismaha goobtaa ka socda.
Maxamed Sh.Xabib waa maalqabeen degan magaalada Diri-dhabe, waana mulkiilaha warshada soo saarta biyaha macaan ee Aqua Dire, islamarkaana wuxuu maalgalin ka wadaa toga faafan sidoo kalena wuxuu rabay inuu Jigjiga ka dhisto Bakhaaro iyo wixii la halmaala oo uu uga dan lahaa inuu dhigto wax soo saarka ka soo baxa mashruuca uu ka wado toga faafan.Dhisme ku yaala Jigjiga
Maxamed Sh.Xabiib wuxuu Jigjiga dhexdeeda dhul banaan ka Iibsaday rag bartire ah, isagoo maray dariiqa sharciga ee saxda ah, waxa uu dhamaystay magac wareejintii wuxuuna qaatay xujaddii lahaanshaha dhulka oo ay bixisay dawladda hoose ee magaalada Jigjiga
Waxaase waa yaab iyo layaabe, anaguna ayaan u yeedhanaa naga yeedhsiiyay, waa ka dib markii ay soo baxday gabadh ku Abtirsata Beesha M/weynuhu ka soo jeedo oo lagu sheegay in ay tahay Diaspora ama qurbajoogta oo markii ay maqashay in Maxamed Sh.Xabiib dhisanayo dhulkaa ay ka soo baxeen Afkeeda oo tidhi lagama Iibin karo mana dhisan karo, sidaasna ugu tagtay Madaxweynaha oo Isaguna soo Amray liyu booliska Goobta yimid oo iyaga oo isticmaalaya Awood dawladeed Joojiyay dhismihii iyo hawlihii kale ee ka socday meesha.
Markii Maxamed Sheekh Xabiib Ciddii ay khusaysay uu tusay fasaxa lahaanshaha dhulka, ragii ka Iibiyayna cadeeyeen in dhulka iyagu lahaayeen, kana Iibiyeen Maxamed waxay gabadhiina ku dooday dhulkan anigaa la iga Iibiyay waxaana la iga qaaday lacag dhan 60,000 Birr oo carbuun ah, ragii dhulka lahaana ay weydiyeen ma anagaa kaa qaadnay lacagta ee ay tidhi maya lama odhan ciddii lacagta kaa qaaday sharciga kula xisaabtan oo dacwee ee waxaa la isku xidhay lacagtii gabadha iyo socodsiinta dhismaha oo M/waynuhu waliba afkiisa ka yidh “haddii gabadha lacagteeda la siinwaayo markaad wax dhistaanba ana waan dumin” lamana garanayo in gabadhu lacagta bixisay iyo in kale.
Max’d Sh.Xabiib markii uu arkay sida loogu tumanayo sareynta sharciga, ee uu istusay in aan la heli Karin maxkamado xor ah oo xaqsoora, ee uu eegay wakhtiga badan ee ka gubanaya waxa uu go’aansaday inuu iska bixiyo 60,000 Birr oo baad ah, oo uu siiyo gabadha si uu dhakhso iskaga dhameeyo hawlaha badan ee sugaya.
Marka ficiladaasi ay ka socdaan degaanka sow gar maaha inaan. Dhaho Qofkaan reer tolkii M/weyne ahayn oo liyu Boolis loo amri karyn ama sida Maxamed Sh. Xabiib Baada iska Bixinkarayn waa yaab iyo la yaabe siduu Jigjiga ugu noolaan kari.

By Xogogaal Shaaciye
Toome



Xigasho: http://www.shinilezone.com/?p=235


  

Hashii garawo
R
adio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga, iyo calanka dawlada deegaanka


Radio Jigjiga (Jigjiga)  8-8-2011, Radio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga ee deegaan. Warkii oo Dhan
Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha
Sadexdan madaxweyne
A
wood qaybsiga madaxweyne Cabdi Iley, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno oo la shaaciyey


Radio Jigjiga (Jigjiga) Awood qaybsiga, iyo wada maamulka hayadaha dawlada ee madaxweynaha, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno, ayaa markii ugu horeysay la shaciyey. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.