Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Baabuurtii sida sharci darada ah ku soo gashay deegaanka Soomaalida oo lagu xidhiidhiyey madax ka tirsan xukuumada Somaliland

Radio Jigjiga (Hargeysa) 10-23-2011, War naga soo gaadhay ilo muhiim ah oo jooga magaalada Hargeysa ee caasimada u ah Somaliland ayaa lagu sheegay in madax ka tirsan dawlada Somaliland, iyo dad ganacsato ahi, ay lug ku lahaayeen soo abaabulida, iyo soo diyaarinta baabuurtaas, iyo wixii saarnaaba.
Soo galida ay baabuurtaasi soo gashay deegaanka Soomaalida ayaa ahayd xad gudub, iyo iney si aan sharciga waafaqsanayn ku soo talaabeen xadka uu deegaanku la leeyahay Somaliland.
Baabuursomali-region-police
Baabuurtii, iyo dadkii la soo qabtayba waxaa hada lagu hayaa xabsi ku meel gaadh ah kuna yaala magaalada Jigjiga, iyadoo la filayo in maxkamada la soo hor joojin doono wakhti dhaw.
Maxaabiistan ayaa markii la soo qabanayey faraha kula jiray dambiyo cad, iyagoo waliba si weyn u hubaysnaa, balse, ma kala cada in dadkaas la soo qabtay ay ku jiraan, dad deegaanka u dhashay, iyo inkale, inkasta oo wadayaashii baabuurta ay iska cadahay iney u dhasheen Somaliland, waayo waxay wateen warqada sharxiga gaadiid wadida ee Somaliland (Somaliland's driver license).

Hadaba, inkasta oo aanaan wali haynin cadayn muhiim ah, misana waxaa na soo gaadhay in baabuurta laba ka mid ah uu leeyahay nin ay qaraabo hoose yihiin wasiirka hawlaha guud, iyo gaadiidka ee Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, sida naloo xaqiijiyeyna, wasiirku wuxuu reer ahaan u dhashay beesha Arab.
Beesha Arab, ayaa ah, beesha ay u badan yihiin raga hubaysnaa ee la soo qabtay, iyadoo dhamaan wadayaasha baabuurtu (truck drivers) ay yihiin isla beeshan.
Sidoo kalena, beesha Arab ayaa ka mid ah, beelaha Soomaaliyeed ee dega deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa kaloo naloo xaqiijiyey, ineysan dhacdadani ahayn, markii ugu horeysay ee rag aad u hubaysan, misana baabuurta xamuulka qaada wataa ku soo duulaan, deegaano ka tirsan gobolka Dhagaxbuur, si'  baa la leeyahay ay uga qayb qaataan dagaalada inta badan, dhexmara beelaha walaalaha ah ee ku wada nool gobolka Dhagaxbuur.

Ugu dambeyn, ciidamada Booliska deegaanka, ayaa laga war sugayaa iney dhamays tiraan dambi baadhistooda ku aadan arintan, ka dibna ay shacabka deegaanka u soo bandhigaan sidey wax u dhaceeen.

-la soco wararka dambe-

 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.