Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Awood qaybsiga madaxweyne Cabdi Iley, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno oo la shaaciyey

Radio Jigjiga (Jigjiga) Awood qaybsiga, iyo wada maamulka hayadaha dawlada ee madaxweynaha, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno, ayaa markii ugu horeysay la shaciyey.
Hadaba sida warku sheegayo awood qaybsigan, ayaa lagu tilmaamay, midaan macno weyn sameynayn, maadaama awood dhabta ah uu haysto, madaxweyne Cabdi Iley, waxa kaliya ee uu u shaaciyey arintana ay tahay uun, inaan iasaga lagu eedayn inuu yahay nin kaligii taliye ah, si kastaba ha noqotee hoos ka akhri sadaexda madaxweyne ku xigeen, iyo hayadaha heer deegaan ah ee hoos imanaya.
Sadexdan madaxweyne
Maxdaxweyne ku xigeen Suldaan Wali

Suldaan Wali ayaa lagu tilmaamaa inuu wakhtigan hada ah yahay, ninka xaga awooda ku soo xiga Cabdi Iley, sida la sheegana waa kan kaliya ee markuu Cabdi Iley cartumo kan dhexe u qaban kara!, markaa isaga oo uu madaxweyne Cabdi Iley, iska fogeynayo ayuu Suldaan Wali ka tuuray, wasaarado, iyo hayado, runtii xad gudub ku ah, aqoonta uu leeyahay Suldaan Wali, ninkan ayaa ah ninka ugu tacliinta badan, dhamaan madaxda ku jirta dawlada deegaanka, isla markaana Suldaan Wali waa shaqsiga kaliya ee haysta shahaada PHD, xubnaha gudiga fulinta ku jira, madaxweynaha deegaankuna waa ninka ugu aqoonta yar, dhamaan xubnaha gudiga fulinta.

Hayadaha hoos imanaya Dr. Suldaan Wali, ayaa waxaa ka mid ah; Beeraha, Horumarina Dooxooyinka, Dhalinyarada, hayada caawinta reer miyiga.
Inkasta oo uu Dr.-ku yahay nin Ogaadeen ah, hadana maahan madaxda, afka kabaha ugu qaada madaxweynaha ee waa nin madax-banaani shaqsiyadeed leh.
 
Madaxweyne ku xigeen Adan Faarax

Adan Faarax ayaa ka mid ah, madaxda deegaanka, gaar ahaan kuwooda ugu firfircoon, sida Jigjiga laga hadal hayana wuxuu ugu horeeyaa madaxda uu madaxweyne Cabdi Iley, sida ba'an isha ugu hayo, aadna iskaga dhawro.
Hadaba sida loo dhigay awood qaybsiga waxaa iska cad in Adan faaraxna, uu madaxweynuhu iska fogeeyey.
hayadaha hoos imanaya Adan Faarax ayaa waxaa ka mid ah; Hawlaha Guud, Ganacsiga, & Maamullada Magaalooyinka
.
Adan Faarax waxaa la moodaa in cabdi Iley, galinayo dambi siyaasadeed, taasoo ah, sidaad aragtaanba waxaa ka mid ah maamulada la hoos keenay, maamulka magaalada Jigjiga, arintani sida loo dhaigay dhab maahan, waayo waxaan wada ognahay in Cabdi Iley yahay, kan xafiiska duqa magaalada Jigjiga uu si toos ah u hoos tago, markaa waa uun eed, iyo shirqool la rabo in la dhex dhigo, reer Shiniile, iyo reer Jigjiga, maadaama Adan ka soo jeedo gobolka Shiniile.

Madaxweyne ku xigeen Axmed Deeq

Axmed Deeq, wuxu isna ka tirsan yahay madaxda deegaanka kuwooda ugu shaqada badan, sida dadka reer Jigjiga ugu yeedhaana, waa ku baxsadkii Cabdi Iley ee gobolka Jigjiga (Abdi Iley's scapegoat in Jigjiga region), waayo markuu Cabdi Iley madaxweyne ku xigeenada sameeyey, ayaa lagu yidhi: maxaad nin Jidwaaq ah madaxweyne ku xigeen uga dhigi weyday?
Wuxuu ku jawaabay, "sow kaan Axmed deeq Qabyo, idiinkaga dhigay" waxaa lagu celiyey Axmed Deeq, waa nin Gari koombo ah, ee miyaadan sidaa ula socon! ugu dambeyn waxaa iska cadaatay inuu cabdi Iley necbaansho xun u qabo beesha gobolka Jigjiga ugu badan, isla markaana degata in ka badan 80%.

Axmed Deeq, isaga haba yaraatee wax hayado ah si toos ah madaxweynuhu uma hoos keenin, waxa kaliya ee lagu magacaabay waxay tahay; dib u habaynta (reform) iyo ka talo bixinta hayadaha maaliyada, daqliga iyo cpa (shaqaaleynta).

Halkaa waxaa laga arkaa in madaxweyne Cabdi Iley, uu sidii caadada u ahayd gacantiisa ku reebay, hayadaha dhaqaalaha, iyo awooda leh, sida maaliayada, canshuuraha, iyo maamulka Liyuu Booliska. Waxaa kaloo jirta in madaxweyne Cabdi Iley, ay baryahan dambe isku khilaafsanaayeen Suldaan Wali, mashruuc dooxooyin, ceelal biyo qodid, iyo horumar kale ah oo uu madaxweynuhu codsaday in laga sameeyo degmada uu dhawaanta sameyey ee lagu magacaabo Marsin, arintaasoo la sheegay inuu Suldaan Wali diiday, maadaama uu ahaa wasiirka macdanta, iyo biyaha, waana sababtaas uu madaxweynuhu uga wareejiyey Suldaan Wali, maamulkii hayada ceelasha, iyo biyaha.

Dhanka kale, sadexdan madaxweyne, ayaa la sheegaa ineysan madaxweynaha isba arag, ee ay inta badan warbaxinta siiyaan nin dhalinyaro oo madaxweynaha walaalo yihiin, laguna magacaabo Khadar Iley, Khadar Iley, ayaaba lagu sheegaa inuu isagu yahay, gudoomiyaha runta ah, misana qarsoon ee hogaanka nabad galyada, hogaanka nabad galyadu, waa hayada maamusha (controlling agency of the Police) ciidamada Liyuu Booliska.







  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.