Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Akhri jawaabihii dadweynaha, iyo waxay ka kala yidhaahdeen, maqaalkii shalay ee maxaa aqalka shirarka ee Jigjiga loogu magac daray Sayidka

24kii saacadood ee ina soo dhaafay, waxaa na soo gaadhay jawaabo kala duwan oo ku saabsan su'aashii guriga shirarka, iyo Sayidka, hadaba halkan hoose ka kala akhri wixii dadweynuhu soo qoray.
Akhri jawaabihii dadweynaha, iyo waxay ka kala yidhaahdeen, maqaali shalay ee maxaa aqalka shirarka ee Jigjiga loogu magac daray Sayidka
Dadka taageersan in guriga loogu magac daro Sayidka
 

name:            nuux

email:           nuux16@hotmail.com

 

aad ban idin salamaya bahda redio jigjiga ramadan karim  intaas ka dib waxan raba magaca Hoolka sayid maxamed ee aad saluugten in Logu magac daro in aad ku khaldanten waxaba si raciseen degaanka jigjiga shaqa kuma laha xamar bu u halgamay runti sayidka waa halyay ka dhashay besha absame hadi la si dhafana halyeey somaliyed  halgankisana dhaman geyga somaliyed butabtay xamarta aad sheegten jigjiga buba oga badna  dhulku halganka ku maray ama uu ku jalabuteyay hool ka waba sahal ee munasabado waweyn iyo goobo misan culus leh in logu magac darey aheed Sayidka basa ma ahe garaadki wiil waal aha oo geyga somalied oo dhan laga yaqano tariikh fac weyn leh asna waa muhiim in magacisa la xuso goobo caana lagu magac daro io waliba bandhigsuganeed lagu so ban dhigo dhamaan halyeeyada absame ee tariikhda faca weyn iyo sugaanta dhaxal galka ah nooga tagay Waryaada  war gormu absame sas u kala dhintay wa maxay meshan hoose jigjiga sayidka waxba kuma leh in magacisa lagu qata la donaya iyo muqdishu u halgamay absame waa ul iyo diir sida kale.

Siyasada ha la is kugu liso si dublimasi ah ha la is ku qaniin lkn wax tolka iyo xigaalka kala geynaya inaga ilaaliya aqoon yahanada wax garadka halyeeyada xagooda yeynan nala galin. heeerkan nacaybshaha inta la eg ah somalida kala lagu yaqana absame waa ka ladan yaay nacaybka inta la eg dhaxdiisa hal biniadamka lagama waayo xoga cadifada qabilka taas nin walba wey ku jirta lkn yeyna nala fogan cabdi iley maqaala badan oo ad ko qortay ba ku jira sida danyeer iley iyo maqaala farabadan oo aad sal iyo baar aad ku cayneyso waa sax waayo wa siyasad waa waa la is tujiya Cabdi iska dhaafe siyaasinta besha Ogaadeen ee DDS ku jira qofkad rabto cay Dubka oga dhig kartoono ka same wax dhiba malaha laakiin fadlan naga ilaaliya Jigjiga wax kuma leh Dhagaxbuur wax kuma laha Jidwaaq dhulka oon kala xigsano dad ki magaca laha ee aan ku fani jiray maxa meel hebla logu magac daray halkas yenan garin waa inan ku fana Sayidka Garaad wiil waal iyo dhamaan dad ki tariikhda nogatagay baqas labada dhinacba wu ku socda ma aha kaliga waxan kalo ka xumahay youtube cakaara la so waxaan raba in aan ku suaalo Sayidka magacisa munasab ma aha in logu magac daro ayad dhahday jigjigana uma galgamin ee in na lagu dhaca la raba hada ka hor waxad so qortay aioprka jigjiga oo aad dhahday u codeeya Sayidka iyo wiil waal ki lagu magac dari laha haduna sayidka adan aqoonsaneyn in uu dagankena wax kuleyahay iyo jigjiga oo aad aminsan tahay in uu aha jamuriyadi somaliya maxad codeynta ugu so dartay oo ha lo codeeyo u dhahday sayidka iyo garaad wiil waal maxad sayidka oga reebi weyday oo Garaad wiil waal iyo cida kale ee aad u aqoon san tahay in uu raadtariikhed ku leyahay ula tartarsin wayday taas jawabteda wan ka sugaya mida kale ani iyo inta igu fakarka ahba airporka in sayidka iyo garaad wiil waal logu magac daro wax culeesa iguma hayso waa Laba halgame oo absame ah waxanba si jeclahay in aiporka Garaadka lagu magac daro.

Madama dhari ninki u dhaw ba dhafeeftisa leh ay somalida ku mah mahdo aygo Labadaba nin absame ay yihin hadana Garaadka wa reer jigjiga marka hool Lagu shiro iyo deegankiba in aad u ogolan weydo sayidka waa arin caloshada jirin oo xuman ka aheyn balse aad dad ku durayso sey ani ila tahay xoga rag bad u tima turaneysa  balse qar ba ka xuman qormadan xagadana qaar ba qadan oo dhihi waa sax wale jigjiga na laga dhacaya iyo ogaden ba tarikhdena saya  marka man gaabka labada dhinacba ku jira yuuna sameyn qoralkada plz aad bana idin salamaya xaqna wad u leedahay cidaad doonto besha ogaden in aad weararto ama beesha absame lkn waa dad ka wakhti xadirka jooga sida masuliyinta DDS iyo onlf hana ahaado werarka werar siyasadeed yusan noqon mid besha kala qaybinaya united absame iyo adeerkod aad bana ku salamaya.

Jawaabta dadka didan in guriga loogu magac daro Sayidka

name:         Xuseen dheere
email:         none
Subject:  Bogga Dadweynaha

Marka hore, waxaan hanbalyo u soo dirayaa bahda radio jigjiga, waxaan rabaa inaan fikirkayga ku darsado, Sayidku maahan kan kaliya ee ku xaq leh in meesha ugu magaca dheer loo bixiyo, ee waxaa jiray rag kaga haboon, sida lawada ogsoon yahay, wali taariikhda laguma hayo nin ogaadeen ah, madaxna haa oo qadiyada dhulkeena u dhintay, sodon sano ka hor, xaga jidwaaq sow lama socotaan in Suldaan Cabdulaahi Suldaan Bade, uu mingiste u dilay, xaqa soomaalida itoobiya darteed, Suldaan Cabdulaahi Suldaan Bade, wuxuu ahaa madaxweynihii dhulkii laysku odhan jiray, hararge (wakhtigan hada ah waa labada gobol ee Soomaalida, iyo kan Oromada) wali nin beelaha kale ee Soomaalida Itoobiya oo darajadaas dalweynaha Itoobiya ka gaadhay ma jiro, waxaa kaloo jiray, nin isna a odhan jiray Cabdi Garaad, oo Bartire ahaa, madaxda sare ee dawladii Xayle salaase ka tirsanaa isna u dhintay xaqa, iyo xuquuqda dadkeena.

Saaxiibada ku doodaya Absame ha kala qaybinina, waxaan leeyahay, waa idinka kuwa xaqdarada, iyo wax walba aniga aanqaato wada, bal fiiriya xaqdarada dawlada Cabdi iley, markuu madaxweyne ku xigeenada samaynayey, xagee laba reer oo madaxweyne, iyo madaxweyne ku xigeen iska daba ah lagu arkay (Cabdi iley, iy Suldaan Wali) waxaan la yaabay waxa walaalahay Ogaadeen cadaaladooda cawiray, sida ina Iley oo kale, wali lama hayo nin Ogaadeen ah oo arintan ka hadlay, Jidwaaq maahan reer yar, oo jeebka layskaga shuban karo, waxaan loo malaynayaa, inay ceebtiinii hada uun bilaabatay, ee niman yahow hadaan walaalo nahay, naga guura, dawlada aad u badan tihiina qaata, oo Qabri Dahare la taga, shan madaxweyne ku xigeeno oo isla beeshiina ahna samaysta, laakiin idinka uuni ku heshiiya.

Arin kale aan ku daro, Cabdi Iley, markuu hogaanka ahaa, nina uma hoos joogin jagada ee isagaa ugu sareeyey, markaa muxuu kan Abaskuul ku xigeen uga dhigay walibana aan awood buxda u haysanin jagada loo dhiibay, ma wax buu Cabdi Iley qarsanayaa, mise cabdi Iley waaba aabaha UBO, ee shacabka Ogaadeen habeen, iyo maalina la xasuuqo nabad diidba maahan, ee nabd diidka ugu weyni waaba in Iley, wixii jiraba mar dhaw bey soo bixi, mise necbaansho beeleed baa ku jira Cabdi Iley. Ninkaa madaxweynenimada sheegta maanta laga bilaabo beesha Jidwaaq madaxweyne sharci ah uma aqoonsana, waxaanu u aragnaa inuu yahay, qabqable dagaal ooge ah, oo dawlada dhexena, iyo beelihii deegaanka  khiyaamay, waanan soo dhaweyneynaa beelaha kale, oo iyana ku dhawaaqaya inuusan ina Iley madaxweyne u ahayn.

Wixii jiraba, waxaa la soo gaadhay wakhtigeynu kala bixi lahayn, intaan talo faraha ka bixin ina kala rara. waayo walaalayaal ma tihiin reer culumadooda, iyo caamadoodu is qaban karaan, wixii idinka xishooda kama xishootaan. Sayidka aad maanta ku faaneysaan waa kaad horey u ciisheen, ee ciil, iyo darxumo darteed la dhintay, maantana magaciisii baad rabtaan, inaad beelo kale dhulkooda ku dhacdaan, war meesha nagu kala kaxeeya, odaygii Absamena idinku qaata, haday Absamenimo jirto aaway weyteen, baalcad, iyo adeerkeen, pls xadhkaha inoo kala fura, oo wadankiina dhista, maxaa laydinka siiyaa sheegashada dhulalka beelaha kale.

Qoraalo kale ka akhri halkan


 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.