Abaarta, iyo macaluusha ka jirta Koonfurta Soomaaliya oo ka sii dareysa
Radio Jigjiga (Muqdisho) Abaarta, iyo macaluusha ka jirta Koonfurta Soomaaliya ayaa maalinba maalinta ka dambeysa ka sii dareysa. Abaartan oo aysan sababin oo kaliya dhibaatooyinka dabiiciga ah, sida roob la'aanta, iyo beerihii oo xumaaday, ee waxaa jira sababo ka waaweyn sida, nidaam, iyo maamul xumada ururada ka taliya meelahaas ay abaartu sida weyn u saamaysay. Hadaba meelaha sida ba'an ay dhibaatadu uga jirto ayaa waxay tahay, goobaha ay ururka al shabaab ka taliyaan, ururkan ayaa sida dhabta ah dhibaatooyin waaweyn u keenay shacabka danyarta ah ee ku nool meelaha ay haystaan, ururkani maahan mid qaab siyaasadeed u shaqeeya, ee dagaal oggayaal is bahaystay, isla markaana aad ugu naxariis daran shacabka. Maadaam aysan Soomaaliya ka jirin dawlada loo shaqeeyo, ayey ururka al shabaab, meelahay ka taliyaan, gabi ahaanba ka mamnuuceen in ururada samafalku dadka caawiyaan, arintana waa sabab ka mid ah, sababaha keenay macaluushan aadka halista u ah, macaluushan ayaa wadata cudurada caruurta ku dhaca sida shuban biyoodka, iyo nafaqo daro daran. cuduradaas ayaa caruur aad badan dilay todobaadyadaii la soo dhaafay oo kaliya.
Hadaba abaarta ayaa, misana si toos ah loogu xidhay dhaqaalo xumada ka jirta wadamada galbeeka laysku yidhaahdo. wadaman ayaa, badankoodu yihiin meelaha ay ka soo hawl galaan hayadaha samafalku. Ugu dambeyn hayadaha samafalka ee caalamiga ah, ayaa ugu baaqay iney deeq bixiyaashu si degde ah kaalmo ula soo gaadhaan, hadaan kaalmadaas dhaqso loo helina ay dad badan oo caruur u badan, sii dhiman doonaan. Dhanka kale, wadamada Carabta ah, ee hadana hantida, iyo maalka qaniga ku ah, ayaa haba yaraatee aan wax naxariis ah laga hayn, dalka Soomaaaliya oo ku jira ururka jaamacada carabta (Arab league) baa hase ahaatee, aysan dalalka carabtu wax kaalmo ah siiniin.
Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan