Radio Jigjiga Home     
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Tooshka radio jigjiga
Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday
(this is a must read article)

ogeysiis

Waxaa la Ogeysiinayaa dadweynaha Soomaalida Itoobiya, in bahda Radio Jigjiga, ay ku talo jiraan, iney qoraan buug cusub, oo loogu tala galay, in looga hadlo, saamaynta uu madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley shaqsiyan, iyo maamulkiisuba ku yeeshay deegaanka Soomaalida, taniyo intii uu madaxweynaha noqday, anagoo si gaar u eegi doona, wixii horumar ah ee uu maamulkiisu sameeyey, iyo wuxuu khalday.
Buuga Cusub ee laga Qorayo, Cabdi Iley
Waxaan kale oo aanu xooga saari doona, wixii waxyeelooyin ah ee uu maamulkiisu la yimid.
Hadaba waxaa laga codsanaya dadweynaha daneeya arimaha, iyo siyaasada deegaanka iney ka qeyb qaataan hawsha buugan.
Buugan ayaa waxaa kaloo lagu soo dari doonaa, wax alla, wixii laga qoray Cabdi Maxamuud Cumar ee af-Soomaali ah, macnaha wax laga tagi doono ma jiro, shar, iyo khayrba.
Markaa, hadaad, isaga taageersan tahay soo qor waxaad rumaysan tahay inuu deegaanka u qabtay, ama beeshaada, balse hadaad dhinaca kale tahay, bal adna soo qor, meelaha aad ka dhaliishan tahay, iyo waxyeelada aad rumaysan tahay inuu Cabdi Iley ula yimid deegaanka, adigoo walibana ka hadlaya haday jirto, waxyeelo gooni ah oo uu beeshaada si gaar ah ugu geystay.

Shuruudaha looga baahan yahay qorayaasha ka qeyb qaadanaya, qorista Buugga

1: Qoraalkaagu yuusan ka badan, laba bog (two pages)
3: Cadaymo soo raaci qoraalkaaga, ama ugu yaraan sharaxaad la qaadan karo
3: Higaada erayada, iyo qaabka qoraalkaaga soo wanaaji.


Sidaa, iyo shaqo wacan. -mahadsanid- maamulka Radio Jigjiga.

Fiiro Gaar ah: Radio Jigjiga site, wuxuu leeyahay isgaadhsiin casri ah, umana baahna inaad isticmaashid e-mail-kaaga gaarka ah (for a privacy reason, you don't need to use your e-mail, and the form is totally anonymous).
Markaa ka faaideyso farsamadan casriga ah, dadkana u soo gudbi, waxaad culuun haysid, gacmo wadajir bey waxku gooyaan!. 

Soo Dir, Qoraalkaaga, halkan riix






 

  
radio on Facebook
Hotel Plaza
Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid


video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.