Beesha Ciise ma sadbuursi doon baa, mise sadkay lahaayeen bay beelo kale ka boobeen?
Radio Jigjiga (Faalada Raadiyaha) Beesha Ciise oo ka mid ah guud ahaan beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaanka Soomaalida itoobiya, kuwa ugu magaca dheer, aadna loogu tixgaliyo, dhaqan, iyo caadooyin aad loo amaano, runtiina Soomaali oo dhami ku faanto, balse baryahan waxaa jirtay iney beeshani cabasho siyaasadeed oo guux, iyo sawaxan dhalisay ka wadeen deegaanka Soomaalida, laakiin guuxu ha batee gar ma leeyahay?
Wixii ka horeyey intaysan gumaystayaashii reer yurub, sida faransiis, Ingiriis, iyo talyaani dhulalka Soomaalida imanin, dadka Soomaaliyeed waxay lahaaeen xeerar, iyo dhaqamo qabiileed, taaso beeliba iskeed isku maamushu, tusaale ahaan beesha Absame, ayaa iyadu si gooni ah u lahayd hab dhaqan aad u facweyn, loona yaqaaney, xukunkii Garaadada, kaaso xaga abtirsiinta (genealogy) aan waxba u jirin odaygii beeshani ku abtirsato ee Absame Kuumade, sidaasoo kale beelaha kale ee Soomaalida, iyagana waa la mid. Hadaba inkasta oo is xukunkani uu ahaa mid dhamaan beeluhu isku maamulaan, hadana ma uusan ahayn, mid lagu tilaami karo qaab dawladeed, is dhexgal, iyo xidhiidh ganacsi oo hoosena ma jirin, taasina waxay keentay in kala faquuqa, iyo is ogaansho la'aanta beelaha dhexdoodu aad u badanaa, iyada oo ayna, beelina beesha kale ka warhayn. Laakiin waaan sidaan horey u carabaabnaye, imaatinkii reer Yurub, wax walba isbadal baa ku yimid, markaa hal beeli isku haysatey, iney tahay tan kaliya ee iyadu ugu badan, dhamaan beelihii is barte, is dhexgal weyn baa yimid, Laakiin waxaad wali moodaa in beelaha Soomaalida qaarkood, aysan wali iftiinka cadceeda helin, tusaale ahaan beeshan Ogaadeen, ayaa wali isku haysata, iney iyagu yihiin, kuwu ugu badan, walibana isku tilmaama ineyba yihiin 70% tirada guud ee deegaankeena yihiin, halka beesha Ciisana ayba sheegtaan inuu ilaahay cirka ka soo amray iney, wadajir, iyaga, iyo Ogaadeen deegaanka Soomalida Itoobiya u wada xukumaan! (hadalkii odoyaasha beesha Ciise, ee ay BBC-da ka yidhaahdeen).
Runtu aad bey u gaabisaa, aakhirkase beeni raad ma leh!
Waa hagaag, waxaa horey loo yidhi "been oroday runi ma gaadho" Radio Jigjigana dagaal kama dhamaadee, Ogaadeen, iyagu cadkoodii si gobonimo leh bey dawlada Zenaawi, iyo Itoobiyaba uga goosteen, macnaha haday qoriga caaradii wax kula soo baxaan, iyo haday madaxdooda deegaanka xukuntaaba si kale u helaanba, Ogaadeen ilbax, waxoodiina banaanka dhigte, dadkase ku doodaya xaq koodii ka badan bey helaan, iyagana waa runtood, waayo beesha Ogaadeen, waxooda ay soo dhacsadeen ka sakow, kuwii hurdayna xaqoodii ay dawlada deegaanka ku lahaayeen ku darsade!, markaa xalkoodu waa kaygii helay, kuwii hurdayna anaa isa siiyey.
Balse beesha Ciise, aynu iyagana tooda isla meel dhigno, beesha Ciise oo nasiib u heshay iney qabiil ahaan u maamushaan wadan madax banaan, waa jamhuuriyada Jabuutiye, ayey la ahaatay iney dad kalena dhulkooda ku dul maamulaan, beesha Ciise ee deegaanka tiro ahaan waxaa lagu qiyaasaa 250,000, halka guud ahaan gobolka Shiniile tiradiisa lagu sheego 450,000, 150,000 kale ee reer Shiniile waaa beelaha kale sida Gadabuursi, iyo Gurgure. (from Federal Democratic Republic of Ethopia Census Bureau Office) Bal hada iyana nala fiiriya tirada lagu qiyaaso gobolka Jigjiga, gobolkani waa kan ugu dadka badan dhamaan sagaalka gobol ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka kooban yahay, tirada ugu yar ee lagu sheegana waxay tahay, 1,200,000 (hal malyan, iyo laba boqol oo kun) degmada ugu dadka badan gobolka Jigjigana waa degmada Qabribayax, tiro ahaana lagu sheego 800,000, walina u sii dheer tahay magaalada Qabribayax oo tiradeeda lagu sheego 250,000. Mala odhan karaa odayaasha beesha Ciise, waxay ku doodayeen waa sadbuursi, haday xataa Jabuuti oo tiradeeda lagu sheego, 500,000 ku soo darsadaan, wali gobolka jigjiga ayaa ka tiro badan, markaa sow dimuqraadiyadu mahaan in dadka badani xukunka hayo?.
Mase ogtahiin in marka laysku daro labada magaalo aadna caanka u ah ee beesha Ogaadeen leedahay, sida Dhagaxbuur (42,815), iyo Qabridahar (36,191), in magaalada Qabribayax ka dad badan tahay, magaaalada Awbare (35,977) gobolka Jigjiga, iyana waa magaalo tiro dad badan leh.
Markaa caan baan nahay, magac dheerna waanu leenahay, dhul laguma xukumo ee waa in dadku is miisaamo, runtana laga hadlo, sadbuursiga, iyo wax dheeraad doonkana daaqada laga saaro, dimuqraadiyadu, maahan in koox aan dadka ka badanayni sheegato waxaan jirin, misana xaqiiqda ka fog, xukunkana maroorsi, iyo cadaalad daro ku haystaan.
Baahida loo qabo in la sameeyo xisbi matala gobolka, deegaanka ugu dadka badan
Beelaha gobolka Jigjiga sida, Jidwaaq, Gadabuursi, Gari, Akisho, Habar Awal, Sheekhaash, iyo kuwo kale oo badan, shaki kuma jiro inaad tihiin beelaha deegaanka ugu badan, markaad isku darsataana waxaad tihiin cudud aan loo barbar dhigi karin. Walibana hadaydaan kaba badnayn, marnaba kama yaridin beelaha Ciise, iyo Ogaadeen oo la isku daro.
Ha ogolaanina in labada magac qabiileed ee cirka ku qoran, aadna caanka u ah, waa Ciise, iyo Ogaadeenene, la idinku bahdilo, idina laydiin ka dhigo kuwo aan jirin. Aduunkii maanta iftiin, qoraxda dimuqraadiyaduna meel kasta gaadhay, waa inaan idinka shiraac madow laydiin huwin!.
Ugu dambeyn waxaa naga talo ah in; dhamaan beelahaa reer jigjiga ee kor ku xusani sameystaan xisbi siyaasadeed, xisbigaas oo si gaar ah u matala reer Jigjiga beel kasta oo ay yihiinba, xisbiga (Jigjiga Democratic Party) or (United Jigjiga Democratic Party) what ever you called it, ha noqdo mid ka duwan kan hada talada haya, ka dibna doorasho xor ah, sida ugu dhaqsaha badan waa in loo qabto, waayo xisbigan hada talada deegaanka haya, onlf, iyo dad kale oo aan xaqiina idiin ogolayn baa qabsaday, tashada, oo ka kaca, beeniyana maahmaahdii hore ee ahayd (wiil galbeed ku dhashay nirig gaaroodi ku dhalatay, baa dhaanta!) -wabilaahi tawfiiq- Cabdiraxmaan.