Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

 

Warsidaha Radio Jigjiga, oo ka galay nambarka 1aad, website-yada wax ka qora arimaha deegaanka Soomaalida

 

Warsidaha Radio Jigjiga oo noqday kan loogu booqashada badan yahay, inta warside (websites) ee wax ka qora arimaha deegaanka.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa internet-ka, ku soo badanayey warsidayaasha wax ka qora arimaha deegaanka, hadaba Radio Jigjiga oo asliyan ah warsidihii ugu horeyey, ee isla markaana aan ka tirsaneyn, amaba taageersaneyn, ururrada dawlada itoobiya ku kacsan, ayaa markii ugu horeysay noqday weebka, kaliya ee loogu booqashada badan yahay.
Warbaahinta casriga ah
Sidoo kale, Radio Jigjiga, ayaa dadka soo gala, ay u dhigmaan, marka laysku daro sadexda warside (websites) ee kala ah; Cakaaranews, Wabi Shabeele, iyo Xaajo.com  dadka soo booqda.
Halkan ka akhri traffic report of Radio jigjiga.

In mudo ah bey nagu qaadatay, inaan si dhab ah u fahano waxa dhabta ah ee ay akhristayaasha sharafta lihi, ka filayaan markaay warside soo booqdaan.
Akhristayaashu uma soo galaan warside, iney wakhtigooda qaaliga ah ku lumiyaan, amaan, iyo caleemo saar aan waligiis dhamaan, arintani waa waxay warsidaha cakaaranews caanka ku tahay, sida runta ah warsidahan laguma sheegi karo, saxaafad, ee waxaa la dhihi karaa waa uun dacaayad, iyo caleemo saar waagi baryaba, marka waa kuma akhristaha wakhtigiisa ku lumin, amaanta bilaa dhamaadka ah.
Radio Jigjiga
Barigii dawladii Soviet (Ruushka) ay jirtay, waxaa jiray wargees la odhan jirey 'Pravda" kaasoo ku hadli jirey afka xisbigii shuuciga ee soviet-ka xukumi jirey, waxaa dhici jirtay in maalin walba la daabici jirey, malaayiin juurnaal (millions of newspapers) laakin cidi ma akhrin jirin, inkasta oo markii dambe xataa bilaash lagu bixin jirey, hadana waxba sidaas looma akhrin jirey, sababtuna waxay ahayd, wargeeskani wax kale ma qori jirin aan ka ahayn, madaxweynihii, iyo gudoomiyihii xisbiga ayaa xalay si fiican u seexday, madaxweynihii.... iwm, (sounds like cakaaranews right?).
Hada ma garateen waxa dadka badani u soo booqdo Radio Jigjiga? wax walba oo siduu yahay oo loo sheego! waa furaha saxaafada xorta ah.
Akhristayaashu waxay rabaan, iney la socdaan sida dhabta ah, ee wax u jiraan, iyo warar sugan, isla markaana dhex-dhexaad ah, ma rabaan amaan shaqsiyadeed iwm.

Markaa Radio Jigjiga waxaa maalin walba soo gala in ka badan labaatan kun oo qof (50,0000), marmarna waxaaba dhacda iney soo galaan sodon kun oo qof (70,000) akhristayaashan, qiimaha leh, 65% waa dad ku cusub Radio Jigjiga, waxaan leenahay soo dhawaada.
halka 35% ay yihiin wadaniyiintii Radio Jigjiga, waligood ku xidhnaa (ma daalayaasha). warsidaha Radio Jigjiga, waa kan loogu galid badan yahay, guud ahaan dalka Itoobiya, magaalada Jigjiga, iyada warkeeda haba sheegin!.
Antenna-dii Radio Jigjiga ee Lugbuur, Daaud, iyo Cabdi Iley ay ku dhaarteen, inaan jigjiga laga taageyn, (arintani dacaayad, iyo been maahan sadexduba, aniga Cabdiraxmaan ah bey igu yidhaahdeen), markaa malaha hada, antenna-dii loomama baahna, alla mahadii iska dheh!.

Ugu dambeyn, taageerayaasha qiimaha, iyo sharafta leh, ee Radio Jigjiga, iyo akhristayaasha kale ee qiimaha leh, waad mahadsan tihiin, noona soo sheega, waxaad jeceshihiin, inaan idiinkaga soo warano.






  

Hashii garawo
R
adio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga, iyo calanka dawlada deegaanka


Radio Jigjiga (Jigjiga)  8-8-2011, Radio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga ee deegaan. Warkii oo Dhan
Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha
Sadexdan madaxweyne
A
wood qaybsiga madaxweyne Cabdi Iley, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno oo la shaaciyey


Radio Jigjiga (Jigjiga) Awood qaybsiga, iyo wada maamulka hayadaha dawlada ee madaxweynaha, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno, ayaa markii ugu horeysay la shaciyey. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.